Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party

Date:

Ankara (SNTV) Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sugan Dalka Turkiga ayaa halkaas kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga AK Party Mudane Cevdet Yilmaz iyo Afhayeenka Xisbiga Yasin Akday.

 

Wafdi uu hogaaminayo Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo socdaal shaqo ku joogo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulanka ay la qaateen madaxda Xisbiga AK Party waxa ay kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo nidaamka xisbiyada badan oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo dalka.

โ€œWaxaan la kulmay Guddoomiye ku xigeenka iyo afhayeenka Xisbiga AK Party ee Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz iyo Yasin Akday waxaanu ka sheekaysanay nidaamka Xisbiyada badan iyo doorashooyinkaโ€ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...