Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan

Date:

Muqdisho December 2 (SNTV):-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee aanu walaalaha nahay, isagoo huwan xilka Safiirka idman ee dalkiisa u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka qaabilaada Safiirka cusub ee Suudaan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo dan u ah labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa intii uu ku guda-jiray qaabilaadda Safiirka cusub oo ku qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal ee walaalaha ah, isagoo muujiyay sida uu u tixgelinayo dadaalka ay Suudaan ku bixinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxaa uu u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Dhankiisa, Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono taageerrada uu u fidiyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, una howlgeli dooo adkaynta xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal dhammaan arrimaha iyo dhinacyada kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...