Home Blog Page 1158

Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran iyo qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida

0

Muqdisho December 4 (SNTV):- Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ahaa mid tababar loogu furayey qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida iyo  Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, kuwaasi oo la barayo  xirfadda garaacista noocyada kala duwan ee Miyuusiga.

Si loo soo saaro Dhalinyaro ka qeyb qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Xirfadda garaacista Miyuusiga ayaa waxaa la barayaa 150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo  kala socda Ciidamada qalabka  sida oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo Ciidanka Asluubta, iyaddoo tababarkaasi ay bixin doonan Macalimiin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Ugu horeyn Munaasabadda daahfurka tababarka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaan Cabdiqaadir Shube, waxaana uu  sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradda in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Bulshadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe  ayaa Ku booriyey dhalinyaradda tababarka qaadanaya in ay ka faa’ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed  jaamac ayaa  Sheegay in dhalinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarsho,  Xanaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir oo gabogabada hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan,  isaggoo si rasmi ah u daahfuray tababarka maanta loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran iyo qaar kamid ah Ciimadamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo lagu dilay deegaanka Guulane ee Shabeellaha dhexe

0

Ciidamada la magac baxay Macawiisleyda oo iskood iskugu abaabulay inay la dagaalamaan Argagaxisada ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Muxudiin Nuur oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ciidamada Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Maleeshiyadda Al shabaab ka dileen 10-Dhagar qabe oo ay ku jiraan Horjoogihii Al shabaab  ee Deegaanka Guulane iyo Horjoogihii u qaabilsanaa Boobka iyo Dhaca Shacabka oo ay ugu yeeraan Madaxa Canshuraha.

“Annagoo Sodon ka badneyn ayaan weerar ku qaadnay deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaan la galnay Argagaxisada, Maleshiyaad badan ayay u wacdeen laakiin waan jabinay waxaan ka dilnay 10 Dhagar qabe oo ay ku jireen Labo Horjooge oo mid ka mid ah uu ahaa Horjoogihii deegaanka halka kan kale uu Canshuurta u qaabilsanaa Maleeshiyada”.ayuu yiri Muxudiin Nuur.

Muxudiin ayaa sheegay in Abaabulka dagaalkan ay sababtay ka dib markii Al shabaab ay dadka rayidka ka barakiciyeen deegaankaasi isla markaana ay burburiyeen Goobihii lagu baranayay Diinta Islaamka, Dhac iyo Dil ay u geysteen Shacabka Xoolo dhaqatada ah, iyagoo sidoo kale isku dayay inay xoog kaga qaataan caruurtooda oo ay doonayaan inay u adeegsadaan daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fahmay Dhagarta Aragagaxisada Al shabaab, iyadoo deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ay dadka deegaanka ka dhiidhiyeen Falalka guracan ee Nabad diidka iyagoona balanqaaday inta qof ka nool yahay inay la dagaalamayaan Dhagar qabayaasha Al shabaab.

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

0

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Alshabaab oo isaga cararay deegaano dhowr iyo Diyaarado Dagaal oo dul heehaabaya

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay isaga carareen kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaanadaasi.

Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Dadka Deegaanka waxay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in diyaarado ku socda jooga hoose ay Shacabka arkayaan, iyagoo ay muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayaan Dhulka.

Nabad diidka Al shabaab oo deeganaadaasi ku dhuumaaleysanayay ayaa isaga baxay iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeyb ka ah Howlgalada lagu dabar jarayo Argagaxisada baneysatay dhiigga Shacabka.

Dadka rayidka ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka in aysan usoo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugnaayeen deegaanadaasi, iyagoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonada Smartphones-ka ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna bilaabeen Nabad diidka inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, iyagoo Howdka ku cararaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa shalay sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka saareen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoona xusay in Ciidamo badan Tababaro loo soo gaba gabeeyay isla markaana la qalabeeyay ayna diyaar u yihiin inay Dalka ka xureeyaan Argagaxisada.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Mudane Carlo Campanile, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka istiraatiijiyadeed, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinaclaha ah si loogu adeego dano wadaagga labada dal iyo waxyaabaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo barwaaqada laba shacab.

Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta.

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

0

Muqdisho 3 December (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Militariga

0

Muqdisho December 3 (SNTV):-Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa  tababar u soo xiray  curubyo ciidan oo  ka tirsan Militariga.

Cutubyadan oo tirsan ururuka 53-aad ee guutada 14-ka October ayaa islamaanta la qalabeeyey si ay ugu biiraan hawlgallada ka dhanka ahmaleeshiyada Al-shabaab ee gobollada dalka ka socda.

Taliyaha ciidanka xogga dalka  Sareeye/Gaas  Daahir Aadan Cilmi (IndhaQarshe) oo warbaahinta qaranka la hadlay sheegay in ciidanka xooggadalka ay diyaar u yihiin in ay waajibadkooda qaran gutaan,  Wuxuunadhinaca kale ka warbixiyey howlgalo is daba jooga oo  ay ciidamadaxoogga  wadaan iyo kuwa hada la tababaray goobaha ay ka howlgelidoonaan

Dhinaca kale taliyaha ayaa kooxaha nabadiidka ah u diray digniin ah inay ka waantoobaan dhibaatada ay shacabka ku hayaan, hadii arintaas ayka dhaga adeegaan ay ciidanka xogga kala kulmi doonaan cawaaqib xumo

Ciidamada xogga dalka ayaa wada howlgalo is daba jooga ah oo ay kuwiiqayaan awoodda kooxaha nabadiidka ah oo dhibaato badan ku hayashacabka soomaaliyeed.

 

Qatar oo ka baxeysa Ururka OPEC

0

Dooxa December 3 (SNTV);-Qatar ayaa ka baxeysa ururka ay ku bohoobeen dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC ,sida ay ka dhawaajiyeen madax ka tirsan dalkaasi.

Wasiirka Tamarta, ee dalka Qatar Saad Sherida al-Kaabi, ayaa maanta shaaca ka qaaday qorshaha ka bixitaanka ururka OPEC oo la filayo in uu bilowdo bisha Janaayo ee sanadka soo socda .

Go’aanka looga baxayo ururka dhoofiya shidaalka ayaa yimid ka dib kolkii la tilmaamay in dalka Qatar uu dib u eegis ku sameynayo doorka caalamiga ah ee kaga aaddan kobcinta shidaalka iyo sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyad fog oo soconeysa waqti dheer.

Ururkaan oo ay ku mideysanyhiin 15 Dal ayaa dhoofiya shidaalka ,isagoo soo saaraa kala bar wax soo saarka saliidda dunida.

Siihayaha Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo kormeeray xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay

0

Muqdisho December 3 (SNTV);-Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer ku tagay  xarunta sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii adkee ee dalka uu soo maray,waxaa maalgeliyay mashruucaan Bankiga Horumarinta Afrika oo u soo marsiisay Hay’adda  IOM.

Wasiir Cismaan Libaax Ibraahin ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’antahay dar dargelinta hirgelinta Wakaalada biyaha ee Muqdisho si Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda iyo nawaaxigeed ay u helaan biyo nadiif ah

“Wasaaradda waxaa ka go’an in la dar dargeliyo dhismaha wakaaladda biyaha sida xarunta sheybaarka iyo macahadKa tababarada iyo korontada waxaana naga saacidaya bankiga horumarinta Afrika, iaydoo ay fulineyso hay’adda IOM-ta ” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan dib udhis lagu saameeyo dhismaha Wakaaladda  biyaha iyo Macahadka tababarada biyaha iyo korontada oo iyaguna ka muuqdo Bur-bur xoog leh, waxaana qorshahu yahay in wasaaradda ay ku shaqeyso.

“Dhismaha wakaaladda biyaha dhawaan ayaa la bilaabayaa sida qorshuhu yahay, waxaana ugu talagalnay in wasaaradda ay ku shaqeyso, islamarkaanaa ra’isulwaasaraha Xukumadda uu xariga ka jaro, waxaan ay wax badan ka qaban doontaa in Biyo nadiif ah ay helaan bulshada ku nool caasimadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Marka laga yimaado dhismahan waxaa u dhiman in la qalabeeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhawaan uu xariga ka jaro Ra’isulwasaarada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,waxaana wax badan ay ka tari doontaa dib u howlgelinta Xarunta in bulshda ku nool Caasimadda ay helaan biyo nadiif.

 

 

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

0

Shirka Banbax Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dasturka oo muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiray Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa intuu socday waxaa lagu diyaarinayay qorshaha 2019ka ee Wasaaradda iyo tababar ay qaateen dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.

Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ayaa Wasiirka Cabdi Xoosh iyo Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xusen Cilmi uga warbixiyay tabarada ay qaateen shaqaalaha Wasaaradda iyo qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo La-
taliyayaasha kala ah Zahra Cali Xasan iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa si wadajir ah uga hadleen muhiimada shirkan iyagoo soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii loo fulin lahaa qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay sida aad u soo bandhigteen waxqabadka waaxyaha Wasaaradda ee sanadkan dhamaanaya iyo qorshaha aad diyaariseen sanadka 2019ka, waxaad ogtihiin duruufihii adkaa ee 20 bil ka hor aan ku bilownay hawsha. Waxaad muujiseen hawlkarnimo iyo dal jaceeyl oo aad aaminteen in danaheena gaarka ah ay ka weyntahay danta dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa ah Banbixii ugu horeeyay ee ay Wasaaradda yeelato waxaana la qorsheeyay in uu noqdo mid sanadkiiba mar qabsooma.