Laamaha ammaanka Mareykanka oo baaraya meydka labo gabdhood oo Soomaali ah oo shil ku dhintay

Date:

Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed  ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaari oo ka dhacay Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Ehelada gabdhahaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay gabdhahaasi shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaariga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaari kale,balse ay baaritaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Mareykanka ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida gabdhahaasi,waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso,waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...