Ciidamada ammaanka Galmudug oo ku raad jooga kooxo hubeysan oo gaari ku rasaasadeeyay Godinlabe

Date:

Laamaha ammaanka gaar ahaan Ciidamada Booliiska ah ee Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa wada Baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxo hubeysan oo Habeen hore Gaari ku rasaasadeeyey deegaankaasi.

Gaariga la rasaasadeeyay ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo,waxaana rasaasta ku dhintay hal qof,halka Tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka deegaanka Godinlabe ayaa wada baaritaanka,iyagoo ku raad jooga kooxihii hubeysnaa ee falkaasi geystay.

Taliyaha Saldhiga Booliska deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Maxamed Salaad Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay qaadeen tallaabo ay gacanta ugu soo dhigaan burcaddii gaariga dhibaatada u geysatay,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray iney hayaan cadeymo muujinaya halka ay ku sugan yihiin kooxaha,taasi oo u sahli karta askarta iney si fudud gacanta ugu soo dhigaan si sharci loogu qaado.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa waxay si joogta ah u sameeyaan Howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Deegaanada Gobolka Galgaduud si looga hortago kooxaha burcadda ah ee jidka u gala dadweynaha isaga kala goosha Gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...