QM oo cambaareysay tacdiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Dalka Suudaanta Koonfureed

Date:

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa walaac ka muujinaysa xad gudubyo la sheegay in ay ka dhacayaan Dalka Suudaanta Koonfureed,Qaramada Midoobay ay dhaleeceysay kufsiyo la sheegay in loo gaystay haween badan oo kunool Suudaanta Koonfureed.

Iyadoo laga jawaabayo dhibaatooyinkaasi ayaa QM waxaa ay soo saartay baaqyo loo jeedinayo dowladda SUudaanta Koonfureed ee ku aadan ka hortagga xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha gaar ahaan mida Jinsiga ah ee lagu hayo haweenka kunool dalkaasi.

MSF oo ah Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 125 haween iyo gabdho isugu jira lagu kufsaday degaanka Rubkona oo ku dhaw magaalada Bentiu ee wadankaasi Koonfurta Suudaan.

Dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo 5 sano ah ayaa sababay dhibaatooyin badan oo ka taagan dalkaasi,iyadoo falalkan ay ku soo beegmayaan xili dhawaan heshiis ay kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda iyo Mucaaradka,kaasi oo ay garwadeen ka ahaayeen QM,Midowga Afrika iyo Urur Goboledak IGAD.

David Shearer  oo ah Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan ayaa ku tilmaamay kufsiga mid musiibo ah islamarkana ay tahay masuuliyada dowladda in ay joojiso, ayna ka hortagto falalkaasi guracan ee ka dhacaya dalkaasi,waxaana sidoo kale loogu baaqay  ciidamada qalabka sida in ay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa arrimahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...