Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Kooxda Kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia

Date:

Muqdisho Arbaco, 05, December 2018 (SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

“Waxay halkan u yimaadeen inay arkaan dalkooda kuna soo bandhigaan xirfadahooda dhinaca kubadda cagta, waana tallaabo aan boggaadinayno , waxaana qeyb ka ah samafalayaal Caafimaad oo mudada ay joogaan magaalada Muqdisho ka fulin doona gargaar Caafimaad”.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartooyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...