Madaxda Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo maanta dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, waxayna Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hadda lagu dabiibaya Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo. Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isaggoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo. “Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facbook-ga. Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa kamid ah Wariyeyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala magaaladda Muqdisho, isaggoo horay usoo noqday Agaasimihii idaacadda Star Fm.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...