Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maanta ka qeyb qaatay ololaha Isxilqaan

Date:

Muqdisho December 4 (SNTV):-Shaqaalaha  Xafiiska-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta kaqeyb qaatay  Mashruuca Isxilqaan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhismaha Tiyaatarka ,Matxafka Qaranka  iyo Maktabadda Qaranka waxaana Hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Shaqaalaha ayaa u mahad Celiyay ku xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo dhammaan Shaqaalaha  kala duwan.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka  ayaa u mahad Celiyay howl wadeenada ka socday Xafiiska Raiis wasaaraha Xukuumada, wasaarada Shaqada iyo maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka Dadaalkooda ku aadan fulinta Howlaha  ka socda oo lagu dhisayo Xaruumaha Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...