Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka tacsiyeeyay Saraakiil iyo Askar ku shahiidday qarax ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane

Date:

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Saraakiil iyo Askar ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka oo ku geeriyooday qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay agagaarka degaanka Dhanaane ee Gobolka Sh/hoose.

Allaha u naxariistee,Jeneraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Jeneraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayuu Alle uga baryay taliyuhu inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, dhammaan Shacabkii Soomaaliyeed ee ay ka baxeenna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Taliye, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Saraakiishaasi ku tilmaamay shaqsiyaad aad wanaagsan, oo xushmad iyo Taariik lama illaawaan ah ku dhex lahaa Ciidamada iyo Bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay inay yihiin kuwo quluubtooda ku weyn.

Innaa Lilaah wa innaa ileyhi raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...