Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A. Khayaat.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha horumarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageero dhinacyada horumarinta,nabada iyo waliba kabidda miisaaniyadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii...

Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

Xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo u hambalyeeyay Wasiirka Caafimaadka Qadar oo loo aqoonsaday wasiirka ugu wanaagsan dunida

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal...