Home Blog Page 1147

Golaha wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha

0

Muqdisho(SNTV);- Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka oo warbixin siiyay Aqalka Sare

0

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa Kullan ay maanta ay ku yeesheen xarunta Golaha waxay warbixin kaga dhageysteen Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana dhageysiga Warbixinta Guddiga ay ku saabsaneyd dib u eegistii lagu sameeyey 5tii cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii looga hadlay kullanka maanta iyo cutubyada dib u eegista lagu sameeyay.

” Waxaan soo gudbinay shantii cutub ee ugu horeysay ee lagu sameeyay dib u eegista oo shaqo badan runtii laga soo qabtay oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga madaxa bannaan ay qoristeeda soo eegeen Wasaaradda arrimaha dastuurkana ay soo gudbisay qodobadii u baahnaa wada xaajoodkii siyaasadeed ka dibna, Guddiga la socodka loo soo gudbiyay ka dibna, la diyaariyay warbixin ku saabsan arrimaha laga qabtay dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Xildhibaan Burhaam Aadan Cumar.

Ugu danbeyntii,Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar ayaa sheegay in tallaabada tan xigta ay tahay in la tago Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,wuxuuna carabka ku adkeeyay ka hor intaan Gobollada la tagin u yeeri doonaan madasha Guddiyada Dastuurka heer federaal iyo heer Maamul Gobolleed intaba si wada tashi loola sameeyo.

 

Dowladda Soomaaliya oo u gurmatay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii argagixisada, kuna baaqday in loo Midoobo ciribtirka Al-Shabaab

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerar naftii halignimo ah oo barqadii maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii guracanaa ee argagixisada Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah) iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka Wuxuushnimada ah Argixisada Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta,looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay,wuxuuna carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliyeed Cisbitaal ay geysay dadkii Weerarka bahalnimada ah ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan baabi’inta Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab,maadama iyaguba aanay u tureen dadka shacabka ah,islamarkaana haatan bilaabay iney ku beegsadaan goobaha cibaadada Alle (Masaajid) iyo waliba Dusgiyda Qur’aanka Kariimka lagu barto.

Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Madaxda dalka oo ka qeyb galay aaska Maamadii dhashay guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (SNTV)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Xubno Ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa Ka qeyb galay aas qaran oo maanta magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan  oo ah Hooyadda dhashay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh.

Sidoo Kale Waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Oo uu ugu horeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed,  gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna Katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed, odayaal dhaqameedyada Magaalada iyo Eheladda Marxuumad Maama Haajira

Aaska kadib mas’uuliyiinta, waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii Ka qeybgashay ayaa  kulan duca ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuumad  maama Haajira waxaana ay Alle Uga Baryeen In Janatul-Fardawsa uu ka waraabiyo.

Alle ha u Naxariisto maalinimadii shalay ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay, maanta  oo Axad ah ayaa aas qaran loogu sameeyay magaaladda Baydhabo.

 

Al-shabaab oo weeraray Masjid iyo Dugsi Qur’aan

0

Al-shabaab sida caadada u aheyd waxa ay degmada Howl-wadaag ka geysteen weerar ay u adeegsadeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxa uu weerarka geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxdani dhiigga Muslimka u Oommani waxa ay beegsadeen goob Alle lagu xuso.

Masjid ALLE lagu caabbudo ayeey weerareen, waxaa soo gaaray burbur dadkii ku cibaadeysanayey dhiiggooda ayaa ku qubtay halkaan,  sidoo kale waxa ay beegsadeen Dugsi Qur’aan kariimka lagu baro Carruur yar-yar, si ay  goobaha cibaabada ugu qubaan dhiigga Muslimiinta, carruurtaas waxaa gaaray khasaare kala duwan.

Argagixisada Al-shabaab durbaba waxa ay ku faaneen weerarkaas lagu xasuuqay biri-mageydada aan waxba galabsan, burburinta Masjidka iyo Malmacadda Qur’aanka lagu baranayey.

Waa nasiib darro kale, yaabse maleh oo hab dhaqanka kooxda Al-shabaab iyo kuwa la fikirka ah ayaa ah gaaleysiinta iyo daadinta dhiigga dadka Muslimiinta ah.

Macne kama lahan dhankooda Meesha aad ku sugan tahay macne kama lahan dhinacooda in aad Muslim tahay, macno weyn kama lahan dhankooda in aad Masjid ku jirto oo aad ALLE u Sujuudsan tahay in aad dowlad u shaqeyso ama in aad qof  rayid  ah tahay.

Ma jiraan goob iyo dad ay xurmeeyaan Al-shabaab  waxa ay u taagan yihiin  ciddii aan aheyn in ay tahay qof aan Muslim aheyb.

 Waxa ay  Magaca Diinta Islaamka ugu gefayaan Islaamka oo dhan.

 

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku kulmay Beijing

0

Beijing (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo saaka ku kulmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba, iyadoo guddiga markoodii ugu horeeyey ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Geerida ku timid Alle ha u naxariistee hooyadiis, maamo Haajaro Cali Aadam.

Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay, Alle ha u naxariistee hooyo Haajaro Cali Aadam in uu ka siiyo sabar iyo iimaan.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha G/Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ay ku geeriyootay Baydhabo. Alle S.W.T qabriga ha u waasiciyo, ehelkana sabar iyo iimaan haka siiyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyey marxuumadda in ay ka mid noqoto martida Alle ee hooygoodu yahay jannatul firdowsa.

Mas’uuliyiinta dowladda oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Hooyadii dhashey guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Alle ha u naxriistee waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku geeriyootay hooyadii dhashey guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo ay kujiraan Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse,xubnaha gudiga iyo dhamaan shaqaalaha ayaa  Tacsiy Tiiraanyo leh u Direy Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane. Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxman oo Hooyadiisa “Maamo” Haajiro” Cali “Aadan” Maanta ku Geeriyootey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ah ee Maamul Goboledka Koonfur Galbeed ee Soomaliya.

Mas’uuliyiintan  ayaa eebe uga baryaya in uu janadii Fradowsa uu ka waraabiyo islamarkaana Samir iyo Imaan uu alle ka siiyo dhaman ehelada iyo qaraabada marxuumadda ay ka geeriyootay.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Amray Dardar-gelinta Nidaamka Casriga ah ee Diiwaan Gelinta Ciidanka

0

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan oo ay ka socoto diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka xoogga dalka ayaa saraakiisha shaqada loo xil-saaray ku amray in ay dardar-geliyaan si loogu guulaysto tira koobka ciidanka.

Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dar-dar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu habboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidanka.

Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah.

Nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta oo sahlaya in qof kasta ee lagu diiwaan geliyo xogtiisa lagu kaydiyo sida ugu habboon, ayaa dawladda ka caawinayaa tirada rasmiga ah ee ciidanka mileteriga iyo fududaynta xuquuqda ciidanka iyada oo loo marsiinayo akoonnada ay ciidanku ku leeyihiin bangiyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday bangiga dhexe ee dalka isaga oo guddoonka bangiga kula dardaarmay ay sare u qaadaan hannaanka hubinta lacagaha bankiga ka baxaya iyo in lagu dadaalo in lacagaha baxaya la marsiiyo Akoonno si loo yareeyo lacagaha kaashka ah.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo ku howlan sidii loo kordhin lahaa Wax soo saarka dalka

0

Muqdisho(SNTV);-Si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Soomaliya ayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha Maamulka Maaliyadda waxey gudaha Wasaaradda ku qaabileen Saraakiil ka socotay qeybta taakuleynta ee ciidamadda Milateriga ee dalka Talyaaniga.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa wax soo saarka dalka iyo sidii qeybta taakuleynta ee ciidamadda Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo hada uu dib u dhis ka socdo.

Saraakiisha ka socotay dalka Talyaaniga ayaa dhankooda ka mahadnaqay Soo dhaweynta wanaagsan oo ay kala kulmeen masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, waxeyna ballan qaadeen  in ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha wasaaradda iyo gacan siinta beeraleyda soomaaliyeed.

Markuu kulanku soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta la hadlay Ku simaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Cilmi Waasuge, isagoona marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay in xarunta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ku qaabilaan Saraakiil ka socotay qeybta taakuleynta ee ciidamadda Milateriga ee dalka Talyaaniga.

Gabagabadii Wasiir ku-xigeenka iyo Kusimaha agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa hadiyado ay ka mid ahaayeyn qaar kamida dalagyada kasoo kasoo go’a beeraha dalkeena ku wareejiyey saraakiishii ka socotay Dowladda Talyaaniga oo iyana dhankooda hadiyado kale gudoonsiiyey Mas”uuliyiinta iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.