Home Blog Page 1148

Maamulka Gobalka Benaadir oo AMISOM kala hadlay ilaalinta xuquuqul iinsaanka

0

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta karaamada iyo sharafta bulshada Gobolka, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhinacyada ay khuseyso.”

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo dhawaan ay banneeyeen Ciidanka AMISOM.

Jowhar oo laga bilaabay Tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka

0

Jowhar (SNTV)- Waxaa magaalada Jowhar ee Casimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ka furmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo ay wada qabanayaan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa tababarka furay Wasiirka Arimaha Dastuurka ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan wuxuuna uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS sida ay ugu soo diyaargarooween in Hirshabeelle lagu qabto tababarakan, sidoo kale Wasiirka wuxuu si qoto dheer uga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xamse Cabdi oo kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa sheegay in tababarka maanta ay qaadan doonaan Bulshada Rayidka Hirshabeelle kadibna ay qaadan doonaan xubno ka socda hay’adaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambayn, xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar uga bilaabmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee Dalka Shiinaha

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana deegaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing), sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed

Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Addis Ababa

0

Addis Ababa, August 31, 2018 -Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba.

War qoraal ah oo ka soobaxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal.

Dalka Shiinaha waa saaxiib aan hagar aqoon (Qeybtii 2-aad)

0

Muqdisho(SNTV)–Qormooyin aan kaga hadleyno xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo booqashada Wafdiga Madaxweynaha ay ku joogaan Magaalada Bijiin ee Wadanka Shiinaha oo aan idiin soo gudbinay qeybtii 1-aad, taasi oo aan kaga hadalnay sida uu ku bilowday Xiriirka labada Dal, ayaan haatanna idiin soo gudbineynaa mashaariicdii uu Shiinuhu ka fuliyay Dalkeenna iyo sida uu haatanba u soo noolaanayo Xiriirkaasi wax wada qabsi.

Xiriirka Dibolomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la sheegaa inuu soo bilowday 1960-meeyadii, xilligaasi waxii ka dambeeyay, waxa uu Dalka Shiinaha Dadka uu Wadanka Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic waaweyn oo aad qiimo ugu lahaa Dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuusto xiriirka wax wada qabsi ee labada Dal iyo labada Shucuub, waxaana ka mid ahaa Garoomada ku yaala Tuulada Ispoortiga oo uu ku jirto Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho, oo ay dhawaan wareejiyeen Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM, Golaha Murtida iyo Madadaalada ee loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka, Waddooyin uu ka mid yahay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Baydhabo, mashruucii biya xireenka Faanoole, Isbitaalka Banaadir iyo kuwa kale.

Dowladda Shiinaha ayaa haatan dooneysa inay Soomaaliya kaga qeybqaadato dib u soo kabashadeeda, waxuuna Shiinaha uu si rasmi ah safaarad dib uga furtay Muqdisho August 2014-kii, xilligaasi oo Soomaaliya ay u fidisay caawimaad, haatanna dooneyso inay dib u sameeyso dhismooyinkaasi, kuwa kalena ay ka fuliso, waxaana ka marqaati kacaya mar uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad uu booqday shirkadda dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay halkaasi Madaxweyne ku xigeenka Mr. Lu Jing, waxaana markaasi biloowday soo nooleynta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Beeraha, Waraabka Korontada biyaha laga dhaliyo iyo Mashaariic kale oo horumarineed oo ay ka mid yihiin dib u dhiska theater-ka qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto Iskaashiga ay la leedahay Shiinaha kuna saabsan Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxa uuna tilmaamay in uu rajeynayo inay horumaraan xiriirada ay leeyhiin Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Dhinaca kale Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Amb. Qin Jian oo goor sii horeysay wareysi uu siiyey warbaahinta Dawladda kaga warbixiyey taageerada ay Dawladdiisa siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed, deeqaha waxbarashada, maal-gashiga iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Africa oo horaanta Bisha September ka dhacaya Beijing.

Xiriirka Diplomaasi ee Soomaaliya iyo Shiinaha:-

Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, wuxuuna ku saleysan yahay iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

” Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin saxiibtinimo soo billaabatay 600 Sano ka hor, balse midka diplomacy waxa uu billawday 1960-kii, wuxuuna ahaa mid miro dhal ah oo labada dhinacba kawada faa’idaysteen,waana xoojineynaa taageerada, saaxiibtinimada, iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha”, sidaa waxaa yiri Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Muqdisho.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya:-

Safiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen 89 mashruuc intii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 1991-kii, waxaana uu ka xusay dhismaha jidad, Garoonka kubbadda Cagta Muqdisho (Stadium Mogadishu) , Cusbitaalka Benaadir, golaha murtida iyo madadaalada (National Theater) iyo kuwa kale oo badan.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u soo diray 13 koox oo ay ku jiraan 393 Dhaqaatiir ah, kuwaas oo daaweeyay kumanaan Soomaali ah, iyadoo tababarro siinayey Soomaalida, waxaana dheeraa deeqaha waxbarasho ee ay Ardayda Soomaaliyeed ka faa’idaysan jirtay waqtigaasi.

Deeqaha Waxbarasha hadda:-

Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dib loo furay 2014-tii,  kadib bur-burkii Dawladeenii 1991, waxaana Dawlada Shiinaha bixineysaa deeqo waxbarasho sannadkii labaad, in ka badan 50 Arday oo Soomaali ah ayaa deeq waxbarasho ka helay Shiinaha Sannadkii hore, kuwaasi oo Shiinaha waxbarasho uga maqan hadda, waxaana Sannadkan baxaya (September) Arday ka badan 40, waxaana uu safiirka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho.

” Waxaan Sannadkii labaad siinay Soomaaliya deeq waxbarasho, 50 iyo dhawr Arday oo ka fa’ideysatay sannadkii hore, sannadkan waxaa ka faa’ideysanaya in ka badan 40, waxa ayna baxayaan Bisha na soo aaddan, waxa ayna baranayaan kulliyado muhiim ah sida caafimaadka, Computer-ka IWM, waxa aan filayaa in Ardayda door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska Dalkooda, ayna buundo u noqdaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada Dal”, ayuu yiri safiirka Qin Jian, waxa uu intaas ku daray Safiirku in dhawaan la dhisay urur(China-Somali Association) oo ay hormuud ka ahaayeen Arday hore wax uga soo baratay wadanka Shiinaha.

Maal-gashiga:_

Shirkadaha Shiinaha ayaa aad u daneynaya in ay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka qaadanayaan horumarinta nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna Safiirka Shiinaha uu sheegay in ay Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada Beni’aadannimada oo uu tusaale u soo qaatay abaarihii iyo fatahaaddii dhawaan uu sameeyey Webiga Shabeelle, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay kordhinayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Shir madaxeeda Shiinaha iyo Africa:- 

Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha (Focac) ayna ka qeyb galayaan in ka badan 53 hogaamiye African ah iyo wafuud ballaaran oo la socota ayaa ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Beijing 3-4 Bisha September, 2018-ka.

Safiirka Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa wareysiga ku sheegay in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qeyb geli doona shirka China African Summit, waxa uuna noqon doonaa Madaxweynihii uga horreeyay ee Soomaaliyeed oo taga Shiinaha bur-burkii Dalka kadib, isagoo sheegay Safiirka in Shirkani uu leeyahay fursado badan iyo iskaashi faa’iido u wada leh Shiinaha iyo Africa.

dhinaca kale xalay ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping, kuwaasi oo hordhac u ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habeynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha, iyadoo Labada Madaxweyne ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qeybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaasi oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qeybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada lixaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aadan horumarka iyo dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday Dowladda Soomaaliya dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

W.D: C/laahi Ruush

Safiir Jamaal Maxamed Barrow oo kulan la qaatay Ganacsatada Koonfur Afrika.

0

Johannesburg (SNTV)– Kulan ay xalay magaalada Johanneesburg ku yeesheen Waxgaradka, Ganacsatada Soomaalida iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Africa ayaa looga hadlay dhibaatooyinkii ka soo gaaaray ganacsatada Soomaalida Rabshadahii ka dhacay deegaanka Saweto.

Kulankaasi Masuuliyiintii ka qeybgashay oo uu ka mid ahaa Safiirka Soomaalida u fadhiya Dalkaasi Jamaal Maxamed Barrow, ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay guddi ka shaqeeya caawinta dadkii hantidooda lagu boobay iyo sidii loo caawin lahaa.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay inta uu socday Kulanka in la sameeyo goobo la dhigo waxyaabihii laga soo badbaadiyay qolyihii wax boobayay.

Wasiir dowlaha Xafiiska R/wasaaraha XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayey haggaajinta Bii’adda wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya

0

Muqdisho (SNTV), Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka 9aad ee Wasiirada Bii’ada ee wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya oo ka mid yihiin Soomaaliya , Kenya Tanzania Mozambique iyo Koofur Afrika, kaasi oo ka dhacay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen haggaajinta Bii’adda ee dalalka dhaca galbeedka badweynta Hindiya, isbadalka hawada, Daryeelka isticmaalka baddaha iyo arrimo kale.

Wasiirka,  ayaa sheegay in Soomaaliya shirkaan wixii ka dambeeyey burburkii dalka aysan ka qeyb gelin, maadaama dalka dhibaatooyin ay ka jireen, isaggoo xusay in hadda dawladda ay diyaar u tahay  in hormuud ay ka noqoto shirarka noocaan oo kale.

Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi uu ka hor sheegay in  wax laga qabto dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta Kaluumeysiga sharci darradda ah.

“Aniga waxaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka naga heysta kaluumeysiga xad gudubka ah ee Soomaaliya lagu hayo, maadaama aan nahay dawlad tabar u heynin badda oo dhan in aan dhowrno, kaluumeysi fara badan ayaa Soomaaliya ka socdo oo sifooyin aan la ictiraafsaneyn loo isticmaalo waxaa ka mid ah guuxa maraakiibta faraha badan oo keenaya in Kaluunka uu dido, marka arrimahaasi siddii loo joojin lahaa ayaa ka hadlay” ayuu yiri Wasiir Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxda kala duwan ee ka socday wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka  qeyb galay shirkaasi, ayaa waxay  isla qaateen in dhexdooda ay yeeshaan wadashaqeyn wanaagsan.

 

 

Duqa Muqdisho “Tartanka Cayaaraha Degmooyinka G/Banaadir waxay gacan ka geysanayaan Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada’’

0

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ayaa boggaadiyey sida habsamida leh ee ku socdo tartanku.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay howshan quruxda badan ee farxadda gelinaysa shacabkeenna qiimaha badan”.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee ka qeybgaleya tartanka inay dadaalkooda sii wadaan, isla markaana ay iyaguna ku howllan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) dib ugu soo celiyeen gacanta Dawladda Soomaaliya.

Daawashada Cayaarta xiisaha badan ee dhex martay labada degmo ee Kaaraan iyo Dayniile oo ku dhammaatay 1-iyo-1 ayaa waxaa ka soo qeyb-galey masuuliyiin ka tirsan M/Mulka Gobolka Banaadir, Xiriirka kubada cagta Soomaaliya, dadweyne isaga kala yimid degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga XFS ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

BEIJING, 31ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha.c

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

DHAMMAAD