Home Blog Page 1148

Boqolaal ku dhaawacantay mudaaharaad dalka Faransiiska ka dhacay

0

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho (SNTV):- Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo sare u kacay ayaa waxaa ka dhashay dhaawac lag uqiyaasay 400 oo ruux, sida ay sheegeen dad masuuliyiin ah, warka ayaa intaasi ku daraya in mudaaharaadku uu socdo maalintiisii labaad.

Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna lo oxirxiray mashaqadan darted.

Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkani oo billaabmay sabtidii lasoo dhaafay, mudaaharaadka ayaa sii socday illaa maalintii axadii.

Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” kuwa sita funaanado midebkoodu yahay jaale ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan.

Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa caradii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la samaynin, si uu uga hadlo mudaaharaadka, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurintii la sameeyay.

Macron, ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka.

 

 

When you’re finished with the plan of this letter, you’ll have legit essay writing service to use a unique ink.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo kulan la qaatay Xubno iyo mas’uuliyiin ka socday Qaar kamid ah ururada dhalinyarada ee dalka

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho(SNTV):- Shirkan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka iyo ururada dhalinyarada ee ka jira dalka ayaa diiradda lagu saaray sida ay dhalinyaradu uga faa’iideeysan karaan fursadaha Shaqo si ay uga qayb qaataan horumarinta amniga dalka.

Mudadii uu socday kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo kusaabsan sida loo horumarin karo  dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo door muuqda ka qaadanaya Dibudhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha  Dhalinyarada Gobolka Banaadir  Cabdikaafi Maxamuud Makaraan  iyo Guddoomiyaha Isutagga Ururada Dhalinyarada Soomaaliya, Somali Youth Cluster, Marwo Muno Xasan Maxamed oo kamid ahaa mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay shirkani ayaa waxay sheegay in ay kulanka kasoo baxeen qodobo muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdifatax Khaasim iyo Xildhibaan  Maxamuud Siraaji oo labadaba ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in la isku raacay in la dhiso sharci haga dhalinyaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Mudane Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed loogu sameeyn lahaa shaqo abuur.

 

Madaxda 54-ta dal ee ururka Midowga Afrik oo qodobo muhiim ah kasoo saray shir ay ku yeeshen Adis ababa

0

SNTV;- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galay shirka  ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia.

shirka ayaa intii u socday waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa  arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

“Waxyaabaha looga  hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ah dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo la kulmay shaqaalaha Wasaaradda ee kormeeray Dugsiyada dowladda

0
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay shaqaalaha wasaaradda ka dib markii ay kormeer ku tagay  iskuullad dowladda ee magaalada Muqdisho.
 

Kulanka ay yeeshen ayaa salka ku haya kormeerka ay sameyeen kormeerayaasha kasocday wasaaradda Waxbarashada sii ay usoo gudbiyan maclluumadka ay kala kulmeen  iskuullada dowladda hoos tagaa.

Xubnaha kormeeray iskuullada dowladda ayaa agaasimaha u gudbiyay macluumaadka ku saabsan iskuullada ay booqdeen iyo sidaa xaalkoodu yahay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed.

Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in  wasaaradda muhiimad ay siineyso sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta iskuullada islamarkana  tababar loo furi doono.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaala gobolka Banaadir, iyadoo ardeyda dhigta iskuulladan ay si lacag la’aan ah ay wax uga bartan, waxana loo qeybiyay manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.

Madaxweyne dalka oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

0

 SNTV:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah.

Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in ay diyaar u yihiin xabad joojin

0

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay soo saareen go’aan  ay ku xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay doonayaan nabad.

Tallaabadaan ayaa timid ka dib markii isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ay amar ku bixiyeen in la joojiyo weerarka ay ku hayaan Yemen,gaar ahaan Dekedda Xudeyda oo ah bartilmaameed dagaal.

Cadaadis caalami ah ayaa la saaray Yemen,waxaana dhinacyada isku haya dalkaasi loogu digay in ay dhameeyaan dagaalada gallaaftay 10-kun oo ruux,isla markaana dalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta  ee ka soconaya dalka Yemen ayaa qarka usaran in uu sabaabo xaalada  bini’aadanimo oo soo wajahadda dadka reer Yemen.

Mohammed Ali al-Houthi, oo ah madaxa kooxdaasi ee golaha sare ee kacaanka ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen,isla markaana ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii dhinacyada kale ay iyaguna diyaar yihiin.

Dhaqaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgaliyay Ohio

0

Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah  oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud.

Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhaqaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka.
Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhaqaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh.
Furitaanka isbitaalkan waxaa ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kasoo Qeybgalayaasha Xafladaan ayaa  isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan.
Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan.
Waxa ay arintani dhiiro gelin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barta dalka Mareykanka oo ah dal ay ardada maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh.
    

Jabuuti oo soo dhoweysay isdhex-galka Geeska Afrika

0

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Adis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka.

Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibaddaEthiopia  Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika,waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.

Xeebaha deegaanada Hirsahabeelle oo laga sifeynayo haraadiga biraha, doonyaha iyo maraakiibta bur burtay

0

Muqdisho (SNTV);– Maamulka Hirshabeelle ayaa dadaal ugu jira sidii Xeebaha deegaanada Maamulkaasi looga sifeyn lahaa haraadiga biraha,doonyaha iyo maraabkiibta burburay.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxmed tuur-yare ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney qiimeyn ku sameeyeen xeebaha deegaanada Hirshabeelle,islamarkaana ay wadaan qorshe looga sifeynayo haraadiga biraha,doonyaha iyo maraakiibta burburay ee badda dhexdeeda iyo banaankeeda yaalla.

“ run ahaantii bur burkii Dowladd dhexe,xeebaha Soomaaliya waxay noqdeen meelaha ugu badan ee lagu soo qubo qashinka haraadiga u ah Warshadaha ee dalalka shisheeye ay ku soo qubaan oo dhibaato fara badan ay ka soo gaarto dadkeenna Soomaaliyeed,si taasi looga gaashaanto Maamulka Hirshabeelle wuxuu dadaal ugu jiraa sidii haraadiga qashinka looga sifeyn lahaa Xeebaha deegaanada Hirshabeelle,”ayuu yiri Mr. Tuur-yare.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in Xeebta degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagu arkayo haraadiga doonyo iyo maraakiib bur buray oo ku soo caariyeyay,kuwaasi oo u baahan in laga nadiifiyo si bilicdii ay lahayd xeebta degmadaasi loo soo celiyo.

Ugu danbeyntii,Wasiir Tuur-yare ayaa sheegay in dhammaan bur burka maraakiibta iyo doonyaha ay dhibaato ku qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilasha iyo Gabdhaha ee Xeebaha Gobolka Shabeellaha dhexe sida degmooyinka Warshiikh iyo Cadalle u damaashaad taga,wuxuuna carabka ku dhuftay iney xoogga saarayaan sidii ay xeebaha uga sifeyn lahaayeen haraadigaasi.

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysa natiijada ka soo baxday tirakoobkii shaqaalaha rayidka ee dhawaan la sameeyay

0

Muqdisho (SNTV);- Iyadoo dhawaan Dowlada Soomaaliya ay sameysay tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga  warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaasi.

Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey SONNA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda,iyo waxa kasoo baxay tirakoobkii dhawaan ay sameeyeen.

Mar uu ka hadlayey natiijada ka soo baxday tirakoobkaasi waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlada soomaaliya, annagana qeyb ayeynu ka aheyn, kaligeenna ma aheynne laakiin hay’ado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabiyaha guud iyo Kan ra’isal wasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gaba-gaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaa loo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaado” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey Guddoomiye Abshirow  xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in in kastoo duruufo iyo dhaqaala yari ay  wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha aysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay ku dadaasho sidii loosiin lahaa xuquuqaadka loo heli karo.

“shaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol ma helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yarida wadanka ka jirta  inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro u dheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidka” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay Guddoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed ee dalka  waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan ka qeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taasi ku sababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaasi un ka shaqqeynaya..

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hay’adaha kale ee  Dowlada, taasina ay ku xiran tahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogu soo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaan-gelinta, dallacsiinta, ruqseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha Wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.