Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha Dowladda

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane ,Xasan Cali Kheyre, ayaa faah-faahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta Dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.

Mudane, Kheyr, oo Maanta  hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, tukashada Salaadda Jimcaha ka dib ayaa sheegay inay Dowladdu leedahay Tubta siyaasadda loo dhan yahay, taasoo ka shaqaysa sidii Dadka laysugu keeni lahaa, loo dhammaystiri lahaa Dastuurka Kmg ah, dhismaha Asxaabta siyaasadeed , awood qaybsiga iyo in Ummadda Soomaaliyeed loo sameeyo mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socda, una dareemaan Dowlad iyagu ay wada leeyihiin,

Wuxuu sheegay in ay Dowladdu leedahay Tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha, oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

Mudane; Kheyre, ayaa madaxda Soomaaliyeed xusuusiyay inay Taariikhda xusi doonto , wuxuuna sheegay inuu hadafka Dowladdu yahay inay Ummdda Soomaaliyeed u sameeyaan mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socota, Qof walbana lagula xisaabtami doono inta uu xilka hayay wixii uu qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....