Duqa Muqdisho oo Kulan la yeeshay Madaxda Dugsiga Farsamada Gacanta iyo Jaamacadda Bern ee dalka Switzerland

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay dalka Switzerland ayaa kulan mihiim ah la qaatay Madaxda Dugsiga Farsamada gacanta iyo Technology-ga ee Bern oo uu kala hadlay siddii ay gacan uga geysan lahaayeen soo nooleynta Dugsiyadii Farsamada gacanta Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo dugsiyadii farsamada gacanta ee dadka Soomaaliyeed lagu bari jiray xirfadaha kala duwan, isla markaana kaalinta wanaagsan ka qaadan jiray wax-soo saarka, aqoonta bulshada iyo Shaqo abuurka.

“Farsamada Gacantu waa shaqada ugu badan ee ay xoogsatada adduunka ku nool ku shaqeystaan, waana meesha kaliya ay dalalka dunida ku kala horumareen, anaguna waxaan xoogga saareynaa sidii ay dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwa leh xirfado kala duwan oo noloshooda ku maareystaan, maadaama ay guud ahaan dalka %70 dhalinyaro yihiin”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa booqday Jaamacadda Bern, iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyey Prof. Sonja Vogt oo ah barre iyo Cilmi bare dhinaca horumarinta, waxuna kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen horumarinta Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Bern waxa uu kulammo la yeelan doonaan hay’adaha kala duwan ee dalkaas, isagoo u soo bandhigi doona fursadaha maalgashiga u baahan iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Caasimadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...