Ciidanka Amniga oo gacanta ku soo dhigay dhagar qabe ka tirsan Alshabaab

Date:

Ciidamada Ammaanka ayaa qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah xubnaha argagixisada oo maamulayay guri lagu farsameeyo gawaarida walxaha qarxa lagu soo rakibo.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay dhagar qabahaas ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab.

War kooban oo lagu faafiyay barta twitter ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in dhagar qabahan la soo xiray uu sidoo kale handadaad iyo cago jugleyn joogto ah ku hayay dadka Soomaaliyeed oo uu ka qaadan jiray lacago baad ah.

Ciidammada ammaanka dalka ayaa laba jibbaaray howl gallada qorsheysan ee ay ku beegsanayaan goobaha ay qaraxyada iyo dilalka ka soo maleegaan kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab iyo Daacish, waxayna howl galladaan ku fashiliyeen qorshayaal badan oo argagixisadu la damasanaayeen dhibaateynta shacabka soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...