Home Blog Page 1142

Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna.”

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xeebta Keysaney ee degmada Kaaraan ku daah-furay Olalaha Dalxiiska Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeynayo dib u soo nooleynta dalxiiska, maadaama Caasimaddu ay caan ku ahayd goobo si weyn loogu soo dalxiis tagi jiray.

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha ku saabsan dib u soo celinta goobahii nasashada bulshada ee Gobolka Banaadir, isagoona tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin goobahaasi bilicda iyo isdhaxgalka bulshada.

“Dalxiisku waxa uu astaan u yahay nabadda iyo horumarka bulshada, waa farriin cad oo ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna, muuqaal khaldanna ay ka bixiyaan dalkeenna.”

Guddoomiye Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dib u soo nooleynta dalxiiska Caasimadda iyo dadaallada kale ee kor loogu qaadayo bilicda iyo horumarka Gobolka.

Olalahan oo ay ka shaqeynayso Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga Gobolka, ayaa inta uu socdo waxaa lagu qaban doonaa 17-ka degmo ee Gobolba Banaadir bandhiyo ku saabsan dhaqanka iyo dhiirri gelinta dalxiiska.

Taliska Ciidanka XDS oo dedaal ugu jirta sidii ay xorriyaddooda ku heli lahaayeen Odayaal ay Af-duubteen Al-Shabaab

0

Dhuusa-mareeb-(SNTV)-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee CXD Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in Malleeshiyaadka Al-Shabaab Gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

3-dii Bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-Shabaab 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen Gal-qoryaale, iyadoo aan illaa iyo haatan la garanayn halka ay u kaxaysteen Dadkan iyo goobta ay ku hayaan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa caan ku ah dhac, dil, boob, cabburin, Af-duub iyo banneysashada Xoolaha Ummadda, taasoo ay u dheer tahay in ay qasab ku Askareeyaan Carruurta aan qaan-gaarin.

Jabuuti iyo Ertetrea oo gaaray heshiis horu-dhac ah

Jabuti-(SNTV)-Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.

“Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu.

Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dedaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea.

Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaarista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan.

Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Isha/Agencies

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka Dalka

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka dalka.

Shirka ayaa intii uu socday waxa uu Bangiga Adduunka ku soo bandhigay daraasad lagu sameynayo sidii loo horumarin lahaa magaalooyinka dalkeena, iyadoo ujeedku yahay horumarinta barnaamijyada dib u qaabeynta dhismaha adeegyada bulshada, iyo in la adkeeyo nidaam ay shacabka iyo maamulladoodu ku horumarinayaan magaalooyinkooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinkan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay ahmiyadda uu dalka u leeyahay mashruucan, isagoo xusay in Bangiga Adduunka ay ka wada shaqeynayaan hirgelinta dhismaha waddooyinka, gaar ahaan jidadka loo yaqaan Community Road oo xiligan Caasimaddu aad ugu baahan tahay.

“Waxuu Bangiga Adduunku aad noogala shaqeeyaa mashaariic badan oo dhowaan ka hirgelin doonno Caasimadda, sida jidadka loo yaqaan Community Road oo bangigu gacan nagu siinayo, tani waxay ka tarjumeysaa baahida loo qabo in la xaqiijiyo u dhoweynta bulshada ee maamulka, sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo baahiyaha magaalooyinka dalka oo shirkan uu diiradda saarayay.”

Wakiilka Bangida Adduunka u fadhiya Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa tilmaamay in waqti walba ay garab taagan yihiin barnaamjiyada lagu horumarinayo Soomaaliya. Isagpo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho horumarka uu ka sameeyey Caasimadda mudadii uu joogay, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobadii bilood ee la soo dhaafay xoogga saaray horumarinta kaabayaasha bulshada, soo celinta bilicda, dhismaha waddooyinka iyo isku xirka bulshada, iyadoo lala kaashanayo shacabka Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maamullada Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Qorshaynta, Howlaha Guud, Gobollada Bay, Jubbada Hoose iyo Khubaro ka socday Bangiga Adduunka.

Wasiirka Warfaafinta XFS “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaadda Jabuuti iyo Eritrea”

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daahir Maxamuud Geelee oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Madaxda wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax wada qabsi iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa, iyadoo ugu danbayntiina hoggaamiyaasha ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Afar qodob.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay ku sii jeedaan Waddanka Jabuuti, iyagoo halkaasi u tagaya sidii loo soo afmeeri lahaa colaada muddada dheer u dhaxaysay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

“Dadaaladaan lagu dhamaynayo colaada wadamada Eritrea iyo Jabuuti waxay ka soo bilawdeen safarkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Eritrea, ka dibna uu tagay dalka Jabuuti isagoo la wadaagay wadahadaladii Asmara iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhamaynta colaada labadaan dal.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Geele.

“Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ka dhaxayeeya wax yar oo la qiimayn karo maaha, Soomaaliya waxay kaalin mugleh ku lahayd in Jabuuti ay noqoto dal madax banaan, Jabuutina waxay dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbayeeyay ay dadaal badan ku bixisay sidii Soomaaliya ay Nabad u noqon lahayd, maanta waxaa la soo gaaray markii Soomaaliya ay celin lahayd qayb ka mid ah abaal kaas, oo ay ka shaqayn lahayd Jabuuti oo nabad hesha.” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Daahir Maxamuud Geelle

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii dowladaha gobalka ay ka gudbi lahaayeen kala qaybsanaanta iyo colaadaha isla markaana loo gudbi lahaa wadajir iyo iskaashi.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda

0

Muqdisho, September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.

Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.

Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.

Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan ka dhagaystay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo si rasmi ah Xilka ula wareegay

Muqdisho (SNTV), Wasiir dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo dhowaan loo magacabay Xilkaasi, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Marwo Aamino Saciid Cali iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad celiyey Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin nuur mudadii uu kasoo shaqeeyey Madaxtooyada iyo shaqadii uu soo qabtay dalka.

Sidoo kale waxuu soo dhaweeyey Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyadda, isaggoona sheegay in shaqooyin adag ay horyaalaan, Allana uga baryey inuu u fudeeyeyo.

Wasiir dawlaha Madaxtooyadda C/qaadir Shiikh Cali Baqdaadi ayaa u mahad naqay masuuliyiinta madasha ku sugnaa, waxaana uu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka yimid Puntland

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Booliska, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada dawlad goboleedka Puntland.

Saraakiishaan ayaa la baray Sharciga xaquuqul iinsaanka, Baarista kufsiga iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey Macalimiinta Booliska oo kaashanayo Hay’adda Bancroft global development iyo Hay’adda international narcotics and law.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha maanta tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray.

S/gaas Bashiir ayaa xusay in Taliska ciidanka Booliska ay ka go’an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, waxaana uu tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka la siinayo.

 

Taliyaha ciidanka Xoogga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday dawladda Mareykanka

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday dawladda Mareykanka, waxaana ay kawada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka,  Tababarka Ciidanka , is dhaafsiga qibadaha dhanka ciidanka iyo qodobo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxa uu dawladda Mareykanka ugu mahadceliyay taageerida iyo tababarada ay siinayaan ciidanka Xoogga dalka.

Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV), September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.