Wasiirka Qorsheynta dalka oo xarigga ka jaray Xafiiska Soomaaliya ee Mercy Corps

Date:

Xilli dawladda Soomaaliya ay dhammaadka sanadkan u qabatay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dalka inay xafiisyadooda ka furtaan dalka ayaa shalay si rasmi ah loo furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya iyadoo uu xariga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan oo uu wehliyo madaxa Hay’ada iyo Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorasheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame.

Kadib baaqii dowladda ayaa waxaa isi soo taraya iyadoo ay ka soo jawaabayaan dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ay wadanka soo dagaan intaan sandkan 2018 dhamaan.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka iyo sidii guud ahaan adeegyada loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen, iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel ka baxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiisyada Hay’addaha Socdaalka ee IOM iyo. Hay’adda Care International , si howlahooda shaqo ay uga bilowdaan gudaha Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....