Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaanada ay colaad beeleedyada ka dhaceen

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):-Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Gelisoor,iyagoona uga sii gudbayo deegaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.

“ Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor,gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale,soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan wafdiga garoonka Aadan Cadde ka ambabixin.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii dadka ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah u heli lahaayeen daryeel caafimaad lana soo qaadi doono,wuxuuna tacsi u diray ehalada dadkii ku geeriyooday dagaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xil iska saaray nabadeynta beelaha colaada ku dhexmareyso deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...