Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):-Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay.

Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.

Kulanka oo  uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu gudiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in gudiga iyo wasaaradda ay iska kaashanayaan talooyinka xildhibaanada kulanka kan xigana miisaaniyadda cod la gelin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo 8 dhagar qabe ku dilay Masagaway

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyey kooxda...

Golaha Wasiirada oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay sarreeye Gaas Odowaa

Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo caawa...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Islaamka

Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka...