Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Date:

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo safiirku halkaa u tagay si uu wax badan uga ogaado.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin ka tirsan  wasaaradda ayaa markii uu xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka waxaa  uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankooda sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda Turkigu   ay uga gacan sii lahayd  sare u  qaadista hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed ee ay u baahan tahay wasaaradda  cadaaladda.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladdu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegis  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...