Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf U Sameeyay Golahiisa wasiirradd.

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khare, ayaa xalay xafiiskiisa casho sharaf ugu sameeyay sameeyay golohiisa wasiirrada iyo hawl wadeennada tubaha afarta ah ee lagu saleeyay shaqo maalmeedka dawladda.

Casha sharafta ayaa lagu maamuusayay shirka isla-xisaabtanka afarta tubood oo shalay lasoo gebagebeeyay kaas oo looga hadlayay hawlihii qabsoomay, wixii qaldamay, qorshayaasha hor-tebinta leh labada sano ee soo socota, sidoo kalana la iskula gartay in lagu wada taaganyahay hal waddo oo loo jeexay u jeeddo laga midaysanyahay oo ah horumarinta qarannimada Soomaaliya iyo in laga dhabaynayo himilooyinka lagu doortay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa hawlwadeennada madaxtooyada, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo tubaha uga mahadceliyay tallaabooyinka ay qaadayaan ee qarannimada Soomaaliya horay u dhigaya, waxa uuna abaal marinno ay ku mutaysteen hawl-karnimo guddoonsiiyay xubno kamid ah hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul wasaaraha , tubaha, hormuudyada ololaha is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud iyo Xoogagga wadaniyiinta ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ballan qaaday in hoggaanka dalku ay sii wadayaan ilaalinta amaanada iyo bedelidda dhaqankii hore ee dib u dhigay horumarka iyo qaranimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, ayaa Allaha naxariis uga baryay, isaga oo sheegay in xildhibaanka ay ka go’nayd horumarinta Soomaaliya, waxa uuna dhanka kale ra’iisul wasaaruhu ka hadlay wax qabadkiisii Allaha u naxariistee uu wariye Cawil Daahir Salaad ku lahaa dib u kabashada Soomaaliya iyo rajada uu ka qabay in dalku gaaro horumar dhan waliba ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...