Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saakay ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush).

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday Masjidul Shuhadaa ee ku yaalla gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay Janaasada ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janadii Firdowsa geeyo, eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, naxariis badan dadkana caawiya, ku weyn tahay Soomaalinimada, jeclaa hormarinta dowladnimada, midnimada iyo dib u heshiisiinta.

Alle ha h naxariistee Xildhibaan Korneel Ruush waxa uu ka mid ahaa baarlamaankan 10-aad ee hada shaqeeyo gaar ahaan golaha shacabka, waxaa laga soo doortay koofur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa guddiga dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka.

Shalay galab ayaa Xildhibaanka wadnaha istaagay, waxa uu ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad...

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...