Gunaanadka Al-Shabaab iyo gumaadkii loo geystay 2018

Date:

Muqdisho December 31 (SNTV):- Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan gumaadka loo geystay Al-Shabaab sanadkan 2018-ka, anagoo ku eegeyno howlgalkasta maalinkii uu dhacay iyo khasaaraha loogu geystay Al-Shabaab.

January

2-dii January, 2018, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamig ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen Gobalka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

7-dii January, 2018, Howlgal Ciidanka Xoogga ay ka sameeyeen Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu xilligaas u sheegay warbaahinta Qaranka Sargaal ka tirsan ciidanka dowladda.

20-kii January, 2018, 38-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgallo 24-saac socday oo ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Amnigga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

February

21-kii February, 2018, 6-ka tirsan Maleshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay Howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale  gacanta lagu dhigay Hub iyo Minooyin  tira Badan oo ay rabeen in ay Ku dhibateyaan Dadka Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidmada Xoogga Dalka.

23-kii February, 2018, Ugu yaraan Saddex xubnood oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ka dhacay Tuulada Bangeeni oo 8-KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada Hoose.

March

17-kii March, 2018, 32-ka tirsan Maleeshiyaadka Koooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab oo ay ku jiraan 3-horjooge ayaa la dilay, kadib markii ay dagaal isaga hor yimaadeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo maleeshiyada Al-Shabaab deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

20-kii March 2018, Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal xoogan oo ay ka sameeyeen degmada Buur-Hakaba ee Gobalka Baay waxaa lagu dilay ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

21-kii March 2018, Duqayn ka dhacday Gobalka Shabeellaha Hoose oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa lagu dilay labo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

25-kii March 2018, Horjooge lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, ayaa Ciidanka Xoogga dalka waxay ku dileen Gobalka Hiiraan ka dib howlgal ay ka sameeyeen.

April

2-dii April 2018, Ugu yaraan 11-horjoogayaal ah oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud.

2-dii April 2018, Taliska  Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  soo  bandhigay  meydadka maleeshiyaad ka tirsnaa Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

3-dii April 2018, Duqeyn ka dhacday nawaaxiga Degmada Ceelbuur ayaa lagu dilay 5-kamid ah horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii la bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen.

13-kii April 2018, Duqayn lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacday Gobolka Galgaduud, kaasi oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

May

23-kii May 2018, Ciidanka sugidda Ammaanka Caasimadda ayaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolado.

25-kii May 2018, Duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday meel 24-KM dhanka Koofur Galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho ayaa lagu dilay 10-xubnood oo ka tirsanayd Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

June

2-dii June 2018, Duqeymo xagga cirka ah oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay 12-ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad kooxda Al-Shabaab.

5-tii June 2018, Taliska Xoogga dalka ayaa shaaciyay in lagu dilay 27-kamid ah argagixisada Alshabaab, Howlgal ka dhacay deegaanno ka tirsna Gobalka Bari ee Puntland.

10-kii June, 2018, In kabadan 25-kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi.

22-kii June, 2018, Horjooge Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay ku dileen deegaanka Araare ee Jubbada Hoose.

July

2-dii July 2018, Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka in ay duleedka Baar-sanguuni ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku joogtey goobtaas, isla markaana weerarka ay ku dileen in ka badan 15-Al-Shabaab ah.

23-kii July, 2018, Ciidanka Qaranka ayaa howlgalo kala duwan ku dilay 87-ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali.

27-kii July 2018, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in ciidamada amniga ay dileen horjooge Macalin Deerow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadooyinka isku xira Gobalka Baay.

August

4-tii August 2018, Ciidamada amniga ayaa 4- ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen meel 74-KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

11-kii August 2018, Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen horjooge  lagu magacaabi jiray Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-Shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka, waxaana uu Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo Gobalka Shabellaha Hoose.

12-kii August 2018, Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khaarijiyey dhagar qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaasi oo qof Muwaadin ah ku dilay Suuq Bacaad.

22-kii August 2018, War ka soo baxay Taliska ciidamada Millitariga ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Al-Shabaab oo lagu dilay labo ka mid ah,kaasi oo ka dhacay dhinaca waqooyi bari ee Magaalada Kismaayo.

25-kii August 2018, Afar ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu khaarajiyey howlgal ka dhacay Gobalka Baay, kaas oo ay sameeyeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

September

10-kii September 2018, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen Horjooge Sayid Abuukareey oo ka tirsanaa Argagaxisada Alshabaab, iyagoo sidoo kale dhaawacay seddex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo gacanta lagu dhigay.

12-kii September 2018, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar nabadiidka Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu dilay Horjooge magaciisa lagu sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr.

19-kii September 2018, In ka badan 12-ka mid ah maleeshiyaadka       Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee Gobalka Jubbada dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali

21-kii September 2018, Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 18-kamid ah Kooxda Al-Shabaab oo horjoogeyaal ay ku jiraan lagu dilay howlgal lagu baacsanayey Al-Shabaab, waxaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen Argagixisada.

22-kii September 2018, Weerar xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed  kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay 18 kamid ah argagixisada Al-Shabaab.

23-kii September 2018. Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buur-hakaba balse ay ka hortageen Ciidamada ammaanka, isla markaana lagu dilay 6 ka tirsan Al-shabaab.

27-kii September 2018, Ciidanka Xoogga Dalka howlgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Al-Shabaab.

28-kii September 2018, Howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga ayaa lagu dilay 3-ka tirsan Al-Shabaab,gaar ahaan deegaan qayaas ahaantii 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

October

1-dii October 2018, Ugu yaraan 10-xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Gobalka Xeebta ee Dalka Kenya.

2-dii October 2018, ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose ayaa lagu dilay 9-ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

2-dii October 2018, Ugu yaraan 15-ka tirsan Maleeshiyada  Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Guullane oo hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Macawisleyda, Axmed Dhegeey Xuurshoow.

16-kii October 2018, Howlgal laga fuliyay deegaanka Araare ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa lagu dilaya 4-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Isla maalintaas 8-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalku ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay ee Gobalka Baay.

26-kii October 2018, Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Canshuuraha ayaa lagu dilay howl-gal ay Ciidamada xoogga ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobalka Shabeellaha Hoose.

26-kii October 2018, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gacan ka helaya saaxiibbadooda caalamiga ah ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsan Maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

30-kii October 2018, Duqayn ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne ayaa lagu dilay hor-joogayaal iyo Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay Radio Muqdisho u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Qaranka.

November

1-dii November 2018, Ciidamada ayaa Howlgal ay fuliyeen waxa ay ku dileen 10-kamid ah malayshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo isaga cararay meydkooda sida u sheegay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Mudane Isaaq Maxamed Xasan.

3-dii November 2018, Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka howlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana laga furtay saanad Ciidan.

5-tii November, 2018 Ciidanka Xoogga dalka ayaa lix maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tiro kale oo intaa ka badan ku dhaawacay deegaanka Araare oo ku dhow degmada Jammaame ee Gobalka Jubbada Hoose.

18-kii November 2018, Ciidanka Qaranka oo taageero ka helaya Saaxiibo caalami ah ayaa duqayn ku burburiyay xarunta Marin habaabinta Al-Shabaab ee Idaacadda Andulus oo ku tiilay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

20-kii November 2018,  Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helaya Saaxiibo caalami ah ayaa weerar qorshaysan oo ay Ka fuliyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobalka Mudug ku lagu dilay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal ka tirsana Al-Shabaab.

22-kii November 2018, Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al-Shabaab lagu laayay howlgal ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

25-kii November 2018, In ka badan 15-kamid ah Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii duqeyn lala beegsaday Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubad Dhexe, halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30-ka tirsan horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab.

27-kii November 2018, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

29-kii November 2018, Taliska xoogga ayaa sheegay in ilaa 6 weerar oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobalka Mudug, lagu dilay 55-ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

December

6-dii December 2018, Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle ayaa lagu dilay 4-ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lala beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

9-kii December 2018, Horjooge Cabdiraxmaan Abuu Salmaan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca xukunada lagu boobo, laguna laayo shacabka iyo ku dhowaad 10-kale oo Maleeshiyaad ah ayaa lagu laayay howlgal ka dhacay degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

16-kii December 2018, Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 25-maleeshiyo oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

28-kii December 2018, Ugu yaraan 8-ka tirsan Al-Shabaab ayaa lgu dilay, 9 kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay degaanno hoostaga Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, markii uu iska hor imaad dhex maray kooxda nabad-diidka iyo Ciidanka Macawisleeyda.

30-kii December 2018, 4-horjoogayaal ah iyo 30-ka mid ah maleeshiyaadka ma liibaanayaasha ah ee la qalday, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ku laayeen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale