Home Blog Page 1135

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

0

Mooshinkii Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo ku tilmaamay in lagaga been abuurtay.

Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Xogyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu ku qoray Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu kula socodsiiyay in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka iyaga oo tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ka dhex jiro khilaaf dastuuri ah oo u baahan in xal degdeg ah laga gaaro.

 

Emmanuel Macron oo sheegay in hoos loo dhigayo canshuurta dalka faransiiska

0

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ballan qaaday in uu mishaarka kordhin doono sidoo kalana canshuuta  hoos loo dhigi  doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay ka socoday dalka faransiiska.

Madaxweynaha oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay mudaharaadaydii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal in ay sii socdan rabshadaha  dadka lagu  kicinayo.

“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.

Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saraay balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.

Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Xariirka Labada Dawladood

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda la wadaagay horumarrada muuqda ee dalku ku tillaabsaday intii ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo Talyaaniga uga mahadceliyay is-garab taagga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu madaxayne Mohamed Abdullahi Farmaajo ku tagay Rome. Talyaaniga oo aan leenahay xiriir soo jireen ah ayaa nagu garab istaagay sidii aan uga soo kaban lahayn dhibaatooyinka dalkeenna soo gaaray.

Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay gebi ahaan gobalka geeska Afrika gaar ahaan dawrka wanaagsan ee hoggaanka dawladda Soomaaliya uu ku leeyahay.

Emanuela Del Re ayaa ballan qaadday in Talyaanigu uu Soomaaliya ka taageerayo hormarinta barnaamijyada arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Turkigu usoo magacaawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta soo dhaweeyo safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, oo ah rug-cadda horumarineed iyo Saaxiib Soomaaliyeed. Waxa aan rajaynayaa in uu sii amba qaado cusubka iskaashiga labada dawladood.” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga mahadceliyay soo dhawaynta wanaagsan, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqaynayo danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka ah.

Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo bedelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxmed (Farmaajo waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Agoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Suudaan

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga

0

Muqdisho(SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Emmanuella Claudia Del-Re oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib-u-soo celinta bilicdii Caasimadda iyo fulinta mashaariic waxtar leh oo bulshada Caasimadda shaqo abuur ka helayaan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u soo kabashada Caasimadda, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga lagu muujinayey hodantinimada hab-dhismeedka magaaleed ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay sawiradii hore ee caasimada tan iyo 1891dii oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen, kuwaas oo isagu jirey Wasiiro, Xildhibaano labada gole, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Emmanuel Claudio Del-Re ayaa ku bogaadisey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa ayna tilmaamtay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

Wasiirka Maaliyadda oo faah faahiyey Wajiga Sadexaad ee Shuruudaha Deyn Cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Shirka Jaraa’id ee billaha ah ee wasiirk Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta, waxa uu ku sheegay inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah  kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.

Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta.

40-Dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan Hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray 3 dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda.

Toban Diblomaasi Soomaali ah oo tababar Diblomaasiyadeed uga furmay Magaalada Doha

0

Doha (SNTV) Toban Diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababaranaya Machadka Diblomaasiyadda Qatar, iyadoo tababarku uu u bilowday shalay oo Axad ah

Waxaa loogu talo galay Tababarkan ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in uu socdo muddo shan cisho ah.

Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha.

10dacembar oo ku asteeysan maalinta caalamigah ee la xuso xuquuqda aadanaha

0

Xuska maalinta caalamigah ee xuquuqda aadanah  ayaa ah mid loogu wacyi galinayo bulshada ilaalinta  iyo dhowrista  xuquuqda aadanah iyo in la joojiyo  xadgudubayada ka dhanka ah Aadanaha,soomaaliya ayaa qayb ka ah golaha Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha.

Sanadki 1948 ayeey aheyd marki shirki golaha guud ee qaramada midobaay  la isku  raacay in 10dacembar ayaa tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha, madaama loo asteeyay wasaarada haweenka iyo hormarinta xuquuqda aadanaha  ee soomaaliya ayaa xusta sanad wilba 10 dacembar  ahmiyadda ay ledahay maalinta caalamiga ee  xuquuqda aadanaha.

”dhanka kale waxaa inta badan bulshada aysan ku baraarug saneyn dhibtada uu leyahay gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha kasoo dhibto ku ahaya gabdhaha ku dhaqan dhulka miyiga ah  ee gobolada dalka qaybo ka mid ,inkasto wacyi galin ay sameyaan  dadka u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha hadan kuma wadda filan waxaa sidasi qabta” Ifraax Axmed oo ah guddoomiyaha hay,adda Ifraax foundation sido kale kulan ay yeesheen  ra’iisul wasaare ku xigeenka  dalka Filand H.E Mr Samuli Virtanen iyo madaxa hay’adda UNDP u qaabilsan soomaaliya Mr george Conway  ayaa waxay kawada hadleen arrimaho ku saabsan xuquuqda aadanaha soomaaliya iyo sidii loo joojin laha xadgudubayada ka dhacah soomaaliya ee loo geysto dadka uu nugul wax yeelada.

Diblomaasiyiin ka tirsan wasaaradda  Arrimaha Dibadda soomaaliya oo tababar uga furmay dalka Qatar

0

Toban Diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa tababar uga furamay dalka qatar ,tababarkan  ayaa waxaa sare loogu qadayay aqoonta Diblomaasiyinta ka hawl gala wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha Diblomaasiyiinta soomaaliyeed.