Home Blog Page 1135

Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Warshadii hore ee Tolmada dharka Ciidanka Xoogga

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed “Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi ayaa Waxay Kormeereen Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iska xil saari doonto dhismaha Warshadan,mudada sanadkaan ka harsan la soo gaba gabeyn doono.

Dhismaha Warshadan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ka gacansiin doona Dowladda  aan walaalaha nahay ee Turkiga .

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga lagu wareejiyay qalabka Warshadan.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo xoojinaysa kaalinta Bulshada ee ka qayb-qaadashada Nabad-galyada

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisaya Shir Wadatashiga oo ah mid xoogga lagu saarayey ka wada qeyb-qaadashada sugidda Amniga Gobalka Benaadir  iyo xoojinta Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Amiga iyo Bulshada Soomaaliyed iyo hirgalinta nidaam lagu sugi karo Amniga guud ahaan dalka, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si guud looga wadda dooday sida la isaga kaashan karo wadda shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo hay’adaha Amniga.

Zaynab Maxamuud Warsame guddoomiyaha deggmada Warta-nabadda ayaa Sheegtay in loo baahanyahay ciidamo gaar ah oo hoos-taga degmooyinka, kuwaas oo qeyb ka qaata Sugidda Amniga Gobolka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amiga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir  Siciid Muuse ayaa sheegay in wasaaradda ay mar waliba u taagan tahay in amniga dalka la gaarsiiyo meel wanaaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow oo daahfuray shirka Wadatashiga ah ayaa sheegay in loo baahanyahay wadatashi iyo wadda shaqeyn dhab ah oo dhaxmara hay’adaha Amniga iyo Bulshada, si loogu guuleysato Amniga Dalka.

Ciidanka Booliska oo sameeyey howlgal lagu soo qabtay kooxo Burcad ah

0

Muqdisho (SNTV) Howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Isgoyska Buur Cali Janaale oo kala qeybiya degmooyinka Kaxda iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay 2-ruux iyadoo lagu soo qabtay 8-ruux oo kale oo ahaa Burcad dadka wadadaasi isticmaala dhac u geysan jiray, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kana mid ahaa Saraakiisha howlgalkaasi hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegau in ragaan la dilay qaarkoodna gacanta lagu dhigay ay ahaayeen Burcad wadada u gali jirtay dadka, islamarkaana dhac u geysan jiray.

Goobta howlkani laga fuliyay waxaa soo kormeeray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) isagoo u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay,,

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin cid kaste oo caqabad ku ah amniga Caasimadda.

Caadeystayaal ka tirsanaa Alshabaab oo la xukumay

0

Kuwait oo bogaadisay dadaaalada Madaxeynaha JFS ee Geeska Afrika

0

Kuwait  (SNTV)– Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwait u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Mansour Al-Otaibi ayaa Khamiistii aynu soo dhaafnay soo dhaweeyay dadaaalka Madaxeynaha Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo ee ku-wajahan Nabad ka Islaaxinta wadamada Geeska Afrika.

Hadal uu ka horjeediyay ergayga kulanka Xubnaha Golaha amaanka ee Qaraamada Midoobay ayaa wuxuu bogaadiyay horumarka ka socda mandiqada Geeska Afrrika ee dhinaacyada Nabadda, amniga iyo Siyaasadda xiligan ay higsanayso.

Danjire Mansour Al-Otaibi wuxuu si gaar ah u soo dhaweyyay dowrka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka qaatay horumarinta iyo dib u soo celinta xiirada  Etihiopia, Ereteriya iyo Jabuuti iyo kulankii dhex maray dhawaan wasiir arrima dibadeedka sadaxdaasi Dal kadib markii uu Madaxweynaha uu booqasho taariikhi ah ku tagay Dalalkaasi.

Mudane Ambassador Mansour Al-Otaibi ayaa intaa raaciyay inuu aad u soo dhaweynayo dadaalka xukuumadda Somalia ee la xiriira wanaajinta dhaqaalaha iyo ka gudbidda dhibaatooyinka ku hareeraysan,isagoo Jaamacadda Carabta  iyo ururada kale ee Caalamiga ugu baaqay inay Soomaaliya taageeraan si ay uga gudubta caqabadaha ka jira.

Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwet u fadhiya Qaraamada Midoobay wuxuu kaloo sheegay in kulankii 150-aad ee Golaha wasiirada Jaamacadda carabta ee todabaadkii tagay lagu qaabtay magaalada Qaahira loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda carabta inay taageeraan Dowladda Soomaaliya si loo sii xoojiyo Nabadda iyo horumarka ay hiigsanayso.

Mudane Ambassador Mansour ayaa soo dhaweeyay go’aanadii shirkii Magaalada Brussels  ee la qabtay bishii julay ee Sanadkan kaasoo ay Dowladda Kuwait ka qeyb gashy laguna taageerayay qorshaha kala guurka Somaliya.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb-galay casho sharaf loo sameeyey ciyaartooy Soomaali ah

0

Istanbul (SNTV) Waxaa magaalada Istanbuul lagu qabtay xalay munaasabad casho sharafeed ah oo   lagu so dhaweynayay isla markaana lagu abaal marinayay Aadan Axmed iyo Ramlo Cali oo ahaa ciyaartoydii Soomaaliya uga qeyb galay tartanka feerka Aduunka oo ka dhacay magalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Maxamed caydiid, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed, Qeybaha kala duwan ee bulshada, sida haweenka, ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Richar Moore oo ahaa Macalinka ciyaartoydii Soomaalida ee Tartanka Feerka ayaa u mahad-celiyay Danjiraha iyo Jaaliyadda oo munaasabadan  casho shaarfta ah soo abaabulay.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa Jaaliyadda ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay la timid tan iyo markii dhidibada loo aasay, isagoona dhinaca kale aad u amaanay ciyaartoyda Feerka doorkii ay ka cayaareen Tartankii feerka aduunka ee ka qabsoomay Magalada Istanbul, waxaana uu guddoonsiiyay bilad sharafta Aadan Axmed iyo Ramlo Cali ay ku sharfeen jaaliyadda SoomaalIyeed ee dalka Turkiga.

Bankiga adduunka oo sheegay inuu kordhayo dhaqaalaha Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Bankiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba, wuxuuna daabacay qiimeyntiisii Saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo muujineysa qodobada ugu waa weyn ee tilmaamaya inuu dhacay horumar dhaqaale iyo in kale.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay intaasi ay muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weedaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday inay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu weedaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii uu sareeyo 155 Million is weedaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. Ayuu markale yiri wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Bankiga adduunka ayaa wuxuu sheegay waxyaabaha nugeylka u keenaya in ay ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan, waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin.

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa horumarka Dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha horyaalla”

0
Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda.

“Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda”

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika.

Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Siyaasadda Hantida Qaranka iyo Heshiisyada Caalamiga ah

0

Muqdisho, September 13, 2018 — Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Saraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga

0

Muqdisho-(SNTV)- 49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goalyaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.