Home Blog Page 1136

Saciid Cabdulaahi Dani oo loo Doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland

0

Doorashada xilka madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland  oo ay ku tartamayeen 21 musharax ayaa wareega koobaad ee doorashada waxaa hogaaminaya Musharaxiinta kala ahaa Saciid Cabdulaahi Deni  oo helay 20-cod iyo  Jeneraal Asad Cismaan oo isna helay 17 cod , sidoo kale Faarax Cali Shire oo helay 9-cod.wareegi koobaad ee doorashadda madaxweynaha  maamulka Puntlanad waxanna wareega koobaad ku haray 18 musharax oo ka tirsana tartamayaasha .

Waxaa loo gudbay  wareega labaad ee doorashada waxaa hogaaminayay Jeneraal Asad Cismaan oo helay 30-cod, waxaana kusoo xigay Siciid Cabdullahi Deni oo helay 29-cod halka Musharaxa saddexaad ee Faarax Cali Shire ayaa ku haray wareega labaad ee doorashada .

Wareegi ugu danbeyay waxaa islaa soo garaya Jerenaal Asad Cismaan  iyo Siciid Cabdullaahi Deni tartan dheer ka  dib  ayaa xilidhibaanada Baarlamaanka  Maamulka Puntlanda ayaa si rasmiya waxay u doorteen Madaxweynaha shanta sanno ee soo socotaha hogaamin doonna Puntland waxaa loo doortay madaxweynaha cusub ee puntland Siciid Cabdullaahi Deni .

Waxaa uu  helay codad gaaraya ku dhawaad 35 cod,halka  masharaxa  Asad Cismaan  Cabdullaahi uu helay 31 cod codadkii laa tiriyay ee wareega sadexadd.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Puntland  Cabdi xakiin Maxameed Axmed Dhoobo ayaa ku dhawaaqay  Madaxweynaha  cusub ee  Maamulka Puntland oo loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa goordhow bilaaban doona Doorashada Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ay ku tartamayaan 11-Musharax.

Wareega Seddexaad ee Doorashada Puntland oo bilaabatay

0

Waxaa soo dhamaatay tirinta codadka wareega 2-aad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana wareega 3-aad iskugu soo haray  labada Musharax  ee ugu Codadka badan.

Wareega labaad ee doorashada waxaa hogaaminayay Jeneraal Asad Cismaan oo helay 30-cod, waxaana kusoo xigay Siciid Cabdullahi Deni oo helay 29-cod halka Musharaxa saddexaad ee Faarax Cali Shire uu helay 7-cod.

waxaana daqiiqadaha soo socda soo bixi doona Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland waxanna lawada sugaya madaxweynaha badali doonna Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Tirinta Codadka Wareega 1-aad ee doorashada puntland oo soo dhamaatay

0

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana wareega 1-aad codadka ugu badan helay Musharax Siciid Cabdulaahi Deni oo helay 20 cod.

Wareega koobaad ee doorashada waxaa hogaaminaya Musharaxa Saciid Cabdulaahi Deni oo helay 20-cod, waxaana kusoo xiga Jeneraal Asad Cismaan oo helay 17 cod halka Musharaxa saddexaad ee codadka badan helay uu yahay Faarax Cali Shire oo helay 9-cod.

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday Cabdiweli Gaas ayaa ku haray wareega koobaad waxa uuna helay 8-cod kaliya, waxaana wareega 2-aad u gudbay sadexda musharax ee ugu codadka badan.

Madaxweyne Farmaajo oo ku Booriyay kooxaha Fanka inay ka qeyb qaataan Wacyigelinta Bulshada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah kooxaha fanka isagoo ku baraarujiyay in ay kaalin firfircoon ka qaataan xoojinta wacyiga bulshada ee wadaniyadda iyo la dagaallanka afkaaraha qalloocan ee kooxaha argagixisada.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo qeyb ka ahaa kulankan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay sida uu ahmiyad gaara u siiyay Fanka, isagoo sheegay in Dowlada ay heysato Fan Xoog badan

“Madaxweyne Fanka wuu kuu baahan yahay, Madaxweyne Fanaaniinta Soomaaliyeed way kuu baahan tahay, Fanaaniinta waxaa deeqa karaamo iyo sharaf, waa dad wadaniyiin ah hadii Wadani Soomaali ku jiro waa fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaan kaa codsanayaa inaad isku badnaataan adiga iyo Faniinta”.ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay baahida kooxaha fanka, isagoo sheegay in wax badan ay Dowlada ka qaban doonto, wuxuuna uga mahad celiyay sida ay markasta ugu adeegayaan Qaranka oo uu sheegay inay ahmiyad gaara ugu fadhiyaan, wuxuuna ku booriyay kooxaha Fanka in ay qeyb weyn ka qaataan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha Xagjirka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Fanaaniinta inay badiyaan Heesaha ka tarjumaya Dal Jaceylka isagoo sheegay heesaha Shaqsiyaadka lagu amaano in aanay maanta qiimo badan ugu fadhin Dalka.

“Runtii shaqo fiican waad qabateen, waxaan jeclaan lahaa heesaha wadaniyada hala xoojiyo, heesaha shaqsiga lagu amaanayo iska dhaafa, shaqsiga wuxuu wax ku yahay Dalka, Dalka amaana, wadaniyada xoojiya, dowladnimada amaana, waxaa la rabaa in la amaano Qabka Soomaaliyeed iyo awooweyaasheen siday ahaan jireen”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Bishii October ee sanadkii tagay ayuu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka oo aheyd Goobtii Kooxaha Fanka iyo Hidaha Dhaqanka ay Bulshada ugu gudbi jireen Dhambaalada ku aadan Wacyi galinta iyo Baraarujinta Bulshada.

 

   

Toos u daawo doorashada madaxweynaha maamulka Puntland

0

Doorashada xilka madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland  ayaa goor dhow ka bilaabatay magalaada Garoowe ee xarunta maamulkaasi,iyadoo ay ku tartamayaan 21 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha,halka madaxweyne kuxigeenkuna ay u taagan yihiin ilaa 11 musharax.

Halkan hoose ka daawo doorashada Madaxweynaha Puntland.

DOORASHADA MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

DOORASHADA MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Δευτέρα, 7 Ιανουαρίου 2019

Madaxwaynihii Bankiga Adduunka oo si kadis ah isku casilay

Madaxwaynaha Bankiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si kadis ah isku casilay, waxaana xilkaasi uu hayey muddo lix sanadood ah.

Jim oo u dhashay Kuuriyada Koofureed ayay ahayd inuu xilka hayo ilaa 2022-ka. balse waxa uu cadeeyey inuu si rasmi ah isku casilay, taas oo dhaqan gali doonta dhammaadka bishan.

Bankiga aduunka oo xaruntiisu tahay magaalada Washintong ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqaynayo sidii loo badali lahaa Jim Yong Kim oo si lama filaan ah isku casilay, isagoon caddayn sababta.

Sanadkii 2012-kii ayaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Brack Obama u magacaabay Gudoomiyaha Bankiga adduunka, mar kale ayaana xilkaasi dib loogu soo celiyey 2017-dii
Kristalina Georgieva oo ka tirsan saraakiisha sare ee Bankiga adduunka ayaa sii wadi doona shaqada hoggaaminta bankiga, inta laga qabanqaabinayo dhismaha hogaan cusub.

Caadi ahaan Maraykanka ayaa magacaaba madaxwaynaha Bankiga adduunka, halka midawga Yurubna ay leeyihiin magacaabista hoggaanka hay’adda lacagta aduunka ee IMF, taas oo u muuqata inaan wadamada kale laga talo galin hab maamulka hay’adahan oo ah kuwa ugu waawayn xagga dhaqaalaha.

Doorashada madaxwaynaha Puntland oo goor dhaw bilaabanaysa

Doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland ayaa saaka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, waxaana ku tartamaya ilaa 21-musharax oo xilka madaxwaynaha u taagan iyo 11-musharax oo ku xigeen doonaya.
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa xalay aad loo adkeeyey, waxaana la mamnuucay gaadiidka dad waynaha inay maraan wadooyinka, dadka siyaasiyiinta ah, madaxda Puntland iyo hawl wadeenada doorashada ayaa loo ogolyahay dhaqdhaqaaq gaadiid inay sameeyaan.
66-Xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland ka kooban yahay ayaa habka qarsoodiga ah ee Sanduuqa ugu codaynaya musharixiinta, si ay u doortaan hoggaanka cusub ee Puntland.

6 Alshabaab ah oo duqeyn lagu dilay

0

6 ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanku ka fuliyeen deegaanka Dheerow Sanle ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Weerarka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Alshabaab ah baad iyo cabsi gelin ku hayay dadka shacabka ah.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda taageeraya waxaa ka go’an sii wadista beegsiga argagixisada Alshabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan.
Sidoo kale waxaan mar walba xaqiijineynaa in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah.

6 Alshabaab terrorists killed in air strike in South west Somalia

0

On January 6, the Federal Government of Somalia worked with the United States to degrade Al-Shabaab through an airstrike that targeted al-Shabaab fighters near Dheerow Sanle, killing six Al Shabaab fighters. The targeting of Al Shabaab fighters disrupts their efforts to extort and terrorize the local population. We continue to use all possible measures to protect local residents from terrorists. We assess that no civilians were killed or injured in the strike.

Ciidamada Gabon oo Afgambi ku qabsaday qeybo ka mid ah dalkaasi

0

Ciidamada dalka Gabon ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaaqaaqeen afgami ,isla markaana ay shaaca ka qaadeen in ay aasaasayaan gole soo celiya rajada,ka dib kolkii ay la wareegeen xarunta Idaacadda Qaranka ee dalkaasi.

Rasaas ayaa la sheegayaa in laga maqlaayo magaalada caasimadda ah ee Libreville.

Hadal ay sii daayeen saraakiiil ka tirsan ciidamada ayeey ku cambaareeyeen Madaxweyne Ali Bongo oo xaalad caafimaad ugu maqan dalka Morocco .

Mr.Bongo, Madaxweynaha Gabon oo 59-sano jir ah,waxa soo wajahay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay cudurka dhiig karka , xiilli uu booqanaayey Saudi Arabia,illaa markaana waxaa lagu daaweynaayey dalka Morocco.