Home Blog Page 1136

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa horumarka Dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha horyaalla”

0
Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda.

“Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda”

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika.

Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Siyaasadda Hantida Qaranka iyo Heshiisyada Caalamiga ah

0

Muqdisho, September 13, 2018 — Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Saraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga

0

Muqdisho-(SNTV)- 49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goalyaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta ka shiray kala hormarinta ajandayaasha kalfadhiga 4-aad.

0

Muqdisho- Soomaaliya, 13-09-2018: Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Kulanka intiisa badan waxaa loogu hadlay shaqooyinkii horyaalla golaha shacabka iyo sida loo kala hormarin karo.

Xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay talooyinkooda ku aadan sida loo wajahi karo howlaha culus ee horyaalla golaha shacabka iyo kala hormarintooda.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa isku raacay in si adag loo shaqeeyo maadaama waqtiga uu yar yahay shaqadana ay badan tahay.

Sidoo kale waxay ka doodeen sida loo kala hormarin karo shuruucda hada hortaalla golaha shacabka kuwaasi oo heerar kala duwan maraya sida hindise sharciyeedayada xukuumada ay soo gudbisay oo aan weli golaha shacabka la horgeyn, hindise sharciyeedyo maray aqrinta koowaad iyo labaad.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in kalfadhigaan shaqooyin badan la doonayo in la qabto.

Xildhibaanada ayuu kula dardaarmay iney usoo diyaar garoobaan gudashada masuuliyada saaran.

“Mudanayaal waad og tihiin howlo badan ayaa na horyaalla kalfadhigaan oo ay ugu horeeyaan miisaaniyadda, anisxinta hindise sharciyedyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista dastuurka.” ayuu yiri guddoomiye muudeey.

Ugu dambeyn kulanka waxa lagu soo bandhigay jadwalka uu golaha shacabka ku shaqeyn doono kalfadhiga 4-aad.

Kusimaha madaxweynaha JFS oo waqtigiisa ku qaadanayo xarunta Jeneraal Kaahiye

0

Muqdisho (SNTV)- Kusimaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  ku sugan xarunta Jeneraal Kaahiye ( Iskool Buluusiya) si’ uu u dhiira geliyo ciidamo tababar ugu socdo xaruntaasi.

Ciidamada uu kusimaha madaxweynaha dhiira gelinta u sameynayo ee uu la qadeynayo ayaa ka tirsan booliiska Soomaaliya, waxaana u socda tababar.

Guddoomiyaha ayaa la filaya in uu khudbad u jeediyo ciidamada kana xog wareysto xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tababarka u socda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ku wehlinaya kulanka dhiira gelinta.

Sidoo kale waxaa xarunta Jeneraal Kaahiye ku sugan oo guddoomiye Mursal xarunta ku soo dhaweeyay kusimaha taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ahna taliye kuxigenka ciidanka S/guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo saraakiil kale.

Xaflad Dhaarin ah oo Maanta ka dhacday Xaruunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Khamiis ah Munaasabad ka dhacday Xarunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir lagu dhaariyay  Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda,hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan , Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed  ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Findland oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga labada dal

0

Helsinki-(SNTV)-Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Finland ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta ee Dalkaas Ms, Anne-Mari Virolainen.

Laba dhinac ayaa waxay isku Af-garteen in la xoojiyo xiriirka ganacsi iyo kan maalgashi ee Soomaaliya iyo Finland, iyo in shirkadaha Labada Waddan ay yeeshaan ganacsi wadaag iyo Isdhaafsi xagga aqoonta iyo Technology-yada ganacsiga, Wershadaha iyo wax soosaarka kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirka iyo Waftigiisu waxa kale oo la kulmeen shirkado iyo Maalqabeenno danaynaya in ay maalgashadaan Dalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo hir-gelin lahaa waxyabaha ay ka wada hadleen.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka.

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka.

Shirkan oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Barroow iyo  iyo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka C/llaahi Xaamud Maxamed.

Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriirta dhinaca Bini’aaddannimada, wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga jiraa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.

Soomaaliya oo Ergey cusub loo soo Magacaabay

0

New Nork-(SNTV)-Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub.

Mr, Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika u Magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.

Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u fadhiya Waddamada Suudaanta Waqooyi iyo tan koofureed wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale kaaliye howl-galka QM ka soo noqday Dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

Isha/ Agencies

Dowladda FS oo bogaadisay heshiiska ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed

0

Addis-ababa(SNTV)–Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay  heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed, kaddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah uu shir uga socanayay Magaalada Addis ababa, ayaa waxay kaga arrinsanayeen dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku guuleysteen arrinta ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona ugu dambeyntiina heshis laga gaaray, waxayna Dowladda Soomaaliyeed bogaadisay heshiiska la dhexdhigay dhinacyadii isku haya Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan.