Home Blog Page 1134

Maxkamadda Sare oo xukunno kala duwan ku riday laba askari.

0

Muqdisho (SNTV)- Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray  dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhiga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID.

Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka,  sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo  kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

  • Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
  • Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Sii hayaha Wasiirka Tamarta XFS oo Imaraadka Carabta uga qeyb galaya shir looga hadlayo Tamarta

0

Muqdisho (SNTV):- Sii ahayaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dalka ayaa Imaaradka Carabta uga qeyb galayo shir looga hadlayo Tamarta laga dhaliyo cad-ceedda.

Shirka oo uu Wasiir ku-Xigeenka ahna sii hayaha Wasaaradda  Tamarta  iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim uga qeyb galayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Tamarta  cad-ceedda laga dheliyo  ama Solarka, Waxaana shirka Soo qaban qaabisay  Hay”ada  Tamarta IRENA oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dubai ee dallkaasi Imaaradka Carabta.

Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim, Wasiir ku-xigeeka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha dalka oo furitaanka shirka ka jeediyay hadalo kooban ayaa ka waraxbiyay muhiimada Soomaaliya u leedahay korantada laga dhaliyo Cad-ceedda.

“Waxaa xoogga saareynaa sidii aan dalkeenna oo cadceeddiisa wanaagsan uga faa’iideysan lahayn,waxaana hay”addan IRENA oo dalkeenna uu xubin muhiim ah ka yahay uga mahad celineynaa sida ay arrimahan ugala shaqeyneyso Soomaaliya, anigana waxaan naga go’an sidii aan u dar dar gelin lahayn arrimaha tamarta,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Dhinaca kale, Wasiir Cusmaan Libaax Ibrahiim ayaa dalka Imaaradka uga qeybgalayo Shirka Tamarta ee sanad laha  ah ee dowladda Imaraadka ay qabato, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda Dowladaha Carabta, Afrika, iyo hay’adaha caalamka ee ka  Shaqeeyo arrimahan Tamarta iyo sida looga faa”iideysan karo.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda XFS oo faah faahiyay shirkado ay shatiyo siiyeen

0

Muqdisho (SNTV) Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiska  Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu .

Shir jaraaid uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu kaga hadlayay dadaalka wasaaradd aay ugu jirtohorumarinta howlaha horyaala.

“Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda federalka Soomaaliya waxay si daah furan u bixisay wajigii koowaad ee bixinta shatiga Kalluumaysiga iyadoona lagu bilaabay 31 Shirkadood oo laga leeyahay Dalkaas Shiinaha kuwaas oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqaan Tuna-ha oo badena ku badan”. Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunkeena Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. .

Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo  lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa  Shir Jaraaid oo uu  ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Nabad diidka Al-Shabaab

General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba  ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleyshiyaadka ka tirsan Nabad diidka Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada

Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Magacyada Horjoogayaal ajaanib ah oo lagu khaarijiyay Shabellada Hoose oo la shaaciyay

Shabellada Hoose (SNTV) Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiayada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania  ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-shabaab

R/wasaare Khayre oo soo geba gebeeyey la xisaabtanka Golaha wasiirada

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Faah faahin ka soo baxaysa Soomaali dhawaan lagu xiray Tanzania

0

Tanzania (SNTV) Sida ay qortay Jariiradda (The East Africa) waxaa dalka Tanzania ka soconaya howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadka ajaanibta ah oo sida sharci darada ah ku galay dalkaasi,ka dib amaray ka soo baxay dowladda Dalkaasi.

Kangi Lugola oo isagu ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi Tanzania ayaa soo saaray amar uu siinayo laamaha socdaalka iyo amniga oo ah in ay gur guri uga baalaaran dadka soo galootiga ah ee dalkaasi,si looga hortago.

Meelaha ugu badan oo dowladdu ay sheegtay in dadkaasi  inta badan ay ku dhuuntaan waxaa kamid ah Goballadda Kagera iyo Kigoma kuwaasi oo xad dhow la wadaaga dalalka Rwanda,Burundi Uganda iyo Kongadda Dimuqraadiga,xili dalkaasi ay ku soo food leeyihiin doorashooyinkii hoose ee deegaanada.

Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada ammaanka iyo ilaalada xuduudaha dalkaasi ayaa waxaa ay ku qabteen 11 muwaadiniin Soomaali ah,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay kamid yihiin dad sharci daro ku galay dalkaasi,iyagoo waqtigaasi ku sii jeeday deegaan lagu magacabo

Muwaadiniin ka soo jeeda wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya,Itoobiya,Kenya,Congo,Nigeria iyo Rwanda,waxaana dowladdu ay sheegaysaa in sharciga la marsiin doono qofkasta.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo si rasmi ah u daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee 2019

0

Muqdisho (SNTV) Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay wadda wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Garoonka Diyaaraha Muqdisho Ka sagootiyay Saraakiil Dalka Dibadiisa Tababar loogu qaaday

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka Sagootiyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno Tababar kusoo qaadanayo Dalka Dibadiisa.

Saraakiishaan iyo Askartaan ayaa in Mudo ah tababaro kala duwan ku qaatay Gudaha Magaalada Muqdisho

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha.Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Saraakiishaan.iyo Askartaan ay soo qaadanayaan Tababar qaas ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe  ayaa u mahadceliyay Dowladaha  Soomaaliya ka taageera dhanka Tababarada Ciidamada Soomaaliya.

Akhriso: Doorka Dowladda Federaalku ay ka qaadatay Nabadeynta Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (SNTV Sameeynta Ciidamo Isku dhaf ah oo ay yeelatay magaalada Gaalkacyo, dhisida madasha isdhex galka Dhalinyarada labada dhinac ee magaalada  waxa ay kamid ahayeen dadaaladii garwadeenka ay ka ahayd Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaliya ee Gaalkacyo laga sameeyey, iyada oo la kaashanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo isugu jira Dhalinyarada, Haweenka, Odayacasha dhaqana iyo Culimaa u diinka.

Ciidanka isku dhafka ah ee Dowladda Federaalka Soomaliyaa ayaa jooga bartamaha magaalada Gaalkacyo, iyaga oo xasilinaya amaanka magaalada, waxayna taasi suurta gal ay kadhigtay in magaalada si caadiya ay isaga kala goooshaan dadka iyo gadiidka intaba.

Dhalinyaraduna iyaga oo is dhexmaraya ayeey barnaamijo nabadeeyn ah waxa ay ka sameeyaan labada qaybood ee magaalada Gaalkacyo si lo xoojiyo Nabadda magaalada.

Waxaa dadka ku nool magaalada Gaalkacyo u muuqanaya dhibatooyinka iyo raadadkii ay reebeen   colaadihii horay u soo maray magaalada, kuwaas oo sababay in bulsho badan ay ku barakacaan, iyagoo taasi badalkeeda Dowladda ku amaanay kaalinta ay ka qaadatay Nabadda Gaalkacyo.

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo katirsan taliska  qaybta Booliska gobolka Mudug ee Galmudug  ayaa SONNA u sheegay in ay joogsadeen dagaal beeleedyadii gudaha magaalada ka dhici jiray gadiidkii la kala dhici jirayna  Dowladda Soomaliya ayuu ku amaanay dadaalka ay u gashay nabadeynta Gaalkacyo, isaga oo sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kadhaxayso.

Galkacyo wax colaad ah kama dhicin wixii kadanbeeyey  4/28/2017 dadaalkaasna waxaa ku mahadsan Dowladda Soomaliya iyo Bulshada rayidka gobolka oo si wadajir ah gacan uga geystay in magaalada la is dhexmaro nabadna ay noqoto, waxayna taasi waxbadan ka badashay nolosha Bulshada, gaar ahaan Waxbarashada, Ganacsiga iyo Caafimaadka oo si caadi ah kusoo laabtay Sida uu sheegayo Mahad Maxamuud sahal guddoomiye kuxigeeenka Golaha Sare ee Madasha Nabadda iyo isdhexgalka Gaalkacyo oo ay ku mideysanyihiin Dhalinyaro kala jooga labada qaybood ee magaaladu u qaybsantahay.

Maymuun Cali Nuur Gayfane guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ii sheegtay in haweenka qaranka ay oo ay la kulantay ay uga fadhiyaan meelmarinta balanqaadyo ay u sameyeen sidii nabada Gaalkacyo loo xoojin lahaa.