Kulan wada tashi ah oo lagu qabtay Magaalada Xuddur

Date:

Muqdisho January 10 (SNTV);-Waxaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool ka soconaya kulan wada tashi ah oo lagu dersayo baahiyaha halkaasi ka jira iyo ka baaraan-degga Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan 2019-ka laga fulin doono degaannadaasi.

Kulankan oo Socon doono muddo Saddex Cisho ah, soona qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxaa ka qeyb galaya 40 xubnood oo kala kala socota bulshada.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socda Wasaaradaha Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, arrimaha gudaha, Gaadiidka iyo Garoomada,mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda TIS iyo maamulka Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu ahmiyad weyn u leeyahay Bulshada degaanka, wuxuuna ka qeyb galayaasha kula dar-daarmay inay qoraal ka sameeyaan baahiyaha guud ee ka jira Degmada Xuddur.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Maxamed-nuur  Madoobe Nuunnoow, ayaa sheegay in kulankan wadatashiga ahi uu fursad u yahay Dadka halkaasi ku dhaqan, isla maraana mudan in laga faa’iideysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...