Mashruuca kasoo kabashada Abaaraha oo lagu daah-furay Degmada Xudur

Date:

Xudur (SNTV) Mashruucaan oo loogu magac daray kasoo kabashada Abaaraha Bulshada ku dhaqan magaalada Xudur, waxa si wadajir ah uga soo qeyb galey Maamulka Degmada Xuddur, Guddiga loo igmaday mashruucaan shaqaalaha ACF iyo waxgaradka, waxana qabsoomidiisa iska kaashanaya Shaqadoon, hay’ada ACF iyo Bulshada reer Xuddur, waana mashruuc wax looga qabanayo biyo la’aanta ka jirta Degmada, oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo duuyadaba xilliga roobabka ay yar yihiin.

Ugu horeyn waxa faafaahin ka bixiyay hirgelinta mashruucaan wakiila Shaqodoon ee degmada Xuddur Ciise Aadan Nuur, wuxuna sheegey in Bulshada looga baahan yahay in kaalintooda ay qaataan.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin oo daah-furey mashruuca ayaa Bulshada ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan hormarada ka socda deegaanka, isagoo dhinaca kalena baaq u direy Jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Bakool.

Qeybihii kala duwanaa ee Bulshadii ka soo qeyb galey munaasabadaan loogu magac darey daah-furka ka soo kabashada Abaaraha ee degmada Xuddur ayaa aad u soo dhoweeyey balan qaadeyna in ay garab istaagayaan fulinta mashruucaan.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS Maxamed Nuur Madoobe Nuunow iyo guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa siwadir ah u dhagax dhigey Ceel-riigaan oo laga qodayo degmada Xuddur.

 

Mashruucaan ayaa hordhac u ah mashaariicyo kala duwan oo sadankaan horaantiisa laga fulin doono magaalada Xudur, hadii lagu guuleysto hergelinta mashruucaan lagu qodayo Ceel-riigaan, waxa yaraan doona dhibaatada biyo la’aaneed ee ka taagan xaafadaha iyo beeraha ku teedsan magaalada Xuddur waa hadii biyo gelin logu sameeyo.

Maxamed Xassan Cabdiraxmaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...