Sii hayaha Wasiirka Tamarta XFS oo Imaraadka Carabta uga qeyb galaya shir looga hadlayo Tamarta

Date:

Muqdisho (SNTV):- Sii ahayaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dalka ayaa Imaaradka Carabta uga qeyb galayo shir looga hadlayo Tamarta laga dhaliyo cad-ceedda.

Shirka oo uu Wasiir ku-Xigeenka ahna sii hayaha Wasaaradda  Tamarta  iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim uga qeyb galayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Tamarta  cad-ceedda laga dheliyo  ama Solarka, Waxaana shirka Soo qaban qaabisay  Hay”ada  Tamarta IRENA oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dubai ee dallkaasi Imaaradka Carabta.

Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim, Wasiir ku-xigeeka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha dalka oo furitaanka shirka ka jeediyay hadalo kooban ayaa ka waraxbiyay muhiimada Soomaaliya u leedahay korantada laga dhaliyo Cad-ceedda.

“Waxaa xoogga saareynaa sidii aan dalkeenna oo cadceeddiisa wanaagsan uga faa’iideysan lahayn,waxaana hay”addan IRENA oo dalkeenna uu xubin muhiim ah ka yahay uga mahad celineynaa sida ay arrimahan ugala shaqeyneyso Soomaaliya, anigana waxaan naga go’an sidii aan u dar dar gelin lahayn arrimaha tamarta,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Dhinaca kale, Wasiir Cusmaan Libaax Ibrahiim ayaa dalka Imaaradka uga qeybgalayo Shirka Tamarta ee sanad laha  ah ee dowladda Imaraadka ay qabato, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda Dowladaha Carabta, Afrika, iyo hay’adaha caalamka ee ka  Shaqeeyo arrimahan Tamarta iyo sida looga faa”iideysan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...