Wasiirka Maaliyadda XFS oo si rasmi ah u daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee 2019

Date:

Muqdisho (SNTV) Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay wadda wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay...