Home Blog Page 1133

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland oo Kormeer Ku Sameeyey Xaafiisyada Madaxtooyada ee Maamulkaasi

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 15 January 2019 waxaa uu kormeer ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Puntland, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogtaynayey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dawlad goboleedka Puntland.

Dhinaca kale shaqaalaha xafiisyada Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweynaha ku qaabiley soo dhaweyn iyo qaabilaad laga dheehan karay farxad ay u qabaan madaxweynaha cusub ee Puntland, islamahaantaana waxay ka warbixiyeen qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayadu.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqaalaha xiifiisyada Madxtooyada Puntland uga mahad naqay qaabilaada iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana uu kula dar daarmay in shaqada ay u hayaan bulshada ay tahay shaqo qaran loogana baahan yahay dar-dar galin iyo masuuliyad adag.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Madaxweyne Trump”Waa ceeb in la i weydiiyo xiriir in uu igala dhexeyo Ruushka”

0

Iyadoo ay sii xoogaysanayaan eedeymaha ku aadan in madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Jey Trump uu xiriir uu kala dhexeeyo hoggaamiyaha Ruushka Putin ayaa hadana madaxweyne Trump wuxuu si weyn uga soo horjeestay eedeymahaasi, oo uu ku tilmaamay abeen abuur.

Madaxweynaha Mareykanka oo warbaahinta kula hadlayay bannaanka Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay su’aasha la isweydiinayo oo ah xiriirka isaga iyo Putin,mar uu ku sii wajahnaa gobolka Louisiana ee dalkaasi Mareykanka.

Mr Trump ayaa k ajawaabay warbixino ay daabacen Jariiradaha Washington Post iyo Newyorka Times, oo muujinaya in Trump uu daboolayo kulan uu dhexmaray isaga iyo Putin goor hore,taasi oo shaki dhalinkarta,iyo sidoo kale markii uu xafiiska ka eryay agaasimihii hay’addaasi, James Comey, bishii May ee sanadkii 2017,taasi oo keentay in Shakiga FPI-da Mareykanka uu sii xoogaysto.

Waxakale oo uu qorey wargeyska New York Times inuu howlahaasi uu lawareegay golaha gaarka ah ee wasaaradda cadaaladda ee uu hogaaminayo Robert Mueller.

Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Trump waxaa jiray shaki ku aadan in doorashadii dhacday 2016 uu galangal ku lahaa dalka Ruushka,waxaana kala aragti duwanaansho ka dhexjirta Trump iyo hay’adaha amniga dalkaasi qaarkood oo arrimahaasi laxiriira.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Banaabaxyo ka dhashay qiimaha shidaalka oo sare u kacay oo Zimababwe ka dhacay

Banaanbaxyo ay shacabku uga cabanayaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay ayaa ka socda dalka Zimbabwe ee Koofurta Afrika

Magaalada caasimadda ah ee Harare iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lixaad leh oo xiray isku socodka gaadiidka, waxaana dadku ay gubayeen taayaro, iyagoo ku qaylinayey hadalo ay ku diidanyihiin qiimaha shidaalku halka uu gaaray.

Halka Liter oo Naaftada ah ayaa hore u ahaa qiime aan ka badnayn $1.5, balse hadda waxa uu marayaa $3.31, taas oo gaadiidley badan ku keentay inay baabuurta garaashyada ku xareeyaan markii shidaal loo waayey.

Ciidamada Booliska ayaa kala eryay dad isugu soo baxay magaalada Bulawayo, waxaana ay fureen jidadka taayarada lagu gubay, balse wali baahiyada shacabku waa mid aan laga jawaabin.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa waxa uu sheegay in dawladdu ay si kas ah u samaysay qiima kordhinta shidaalka, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta ay siyaasadaas u qaateen.

Zimbabwe oo ah dal ka soo kabanaya muddo dheer oo xukun Militari ah, ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhaqaale, mana lahan Bad iyo Dekado, waxaase ay ku tiirsanytahay Dekadaha dalaka dariska la ah oo ay wax uga soo dagaan.

Golaha shacabka oo meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.

158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaala,taasi oo cadeyn u ah howlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

0

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in Bulshadda Gobolka Hiiraan u baahan yihiin dib u heshiisiin rasmi ah

0

Muqdisho (SNTV):- Shir ku saabsan Wacyiga Nabadda, Isdhexgalka iyo horumarka gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsaan maamulka Gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dhibaatooyinka Gobolka ka jira xal loogu heli lahaa, iyadda oo leyswado kaashanayo

Sheekh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Hiiraan u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah, taas oo ka timaada dadka reer Hiiraan.

“Hiiraan waxaa dega dad badan,waxaana ay u baahan yihiin in si dhab ah arrintooda loo xaliyo, sidoo kale dib dhacweyn ayaa Gobolka ku yimid waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheikh Cismaan Barre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in gobolka sidoo kale dhibaato ku hayaan meeleeshiyaadka Al Shabaab sidoo kalena aysan ka socon lacagta Shilin Soomaaliga ah taasina dhibaato weyn ay ku tahay shacabka Gobolka Hiiraan.

“Hiiraan waxaa ay u baahan tahay Isdhexgal Bulsho kaas oo si waagsan looga shaqeeyo,iyadda oo la is wad kaashanayo”ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Irshaad taas oo ka shaqeysa arragti Isdhaafsiga.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo aan u tureyn shacabka ayaa dhibaato weyn ku haya shacabka deegaanada fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan,waxaana socda qorshe Ciidamada Xoogga dalka ay ku doonayaan iney shacabka kaga dul qaadaan gumaadka argagixisada Al-Shabaab ku haayaan.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo maanta xilka la wareegay

0

Muqdisho (SNTV):- Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ee ku taalo magaalada Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa maanta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Garaash ayaa 8-bishan ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku tartamayeen musharaxiin badan oo u kala ordayay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa balan qaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda,isagoona wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo dardar gelinaya amniga iyo bilicda degmadaas

0

Muqdisho (SNTV):- Munaasabad ujeedadeedu ahayd kor u qaadista nadaafadda iyo bilicda iyo soo dhoweynta guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa xalay lagu qabtay degmadaas,waxaana ka qeyb galay golahayaasha Barlamaanka Federaalka,Wasiiro,mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo shacabka degmada Xamar Jajab iyo Fanaaniin qurbo joog u badnaa.

Guddoomiyaha degmada xamar jajab Ismaaciil mukhtaar Oranjo ayaa sheegey in degmada xamar jajab ay hormuud u noqon doonto degmooyinka gobolka Banaadir dhanka wax wada qabsiga nadaafada amniga iyo howlaha isxilqaan ee danta guud lagu fulinaayo.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa ku boorisay shacabka degmada xamar jajab iney is caawiyaan si loogu guuleysto soo celinta bilicda degmada  guddoomaha cusubna la shaqeeyaan .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo soo xirey munaasabada ayaa ugu baaqey bulshada ku dhaqan 17-degmo ee  gobolka Banaadir tartan la xariira bilicda iyo nadaafada degmooyinka gobolka

Wasiir Beyle”Waxaan rajeynaynaa in deymaha nalaka cafiyo sanadkan”

0

Muqdisho (SNTV) Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliaydda Somaaliya oo warbaahinta u qabtay shir jaraa’id bille ah waxaa uu ku faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda sanadkii tagay 2018 iyo qorshah au degsan wasaaradd asanadka 2019.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay  in 2-dii  sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay  nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore.

Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen  ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo.

Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.