Magacyada Horjoogayaal ajaanib ah oo lagu khaarijiyay Shabellada Hoose oo la shaaciyay

Date:

Shabellada Hoose (SNTV) Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiayada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania  ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-shabaab

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...