Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo dardar gelinaya amniga iyo bilicda degmadaas

Date:

Muqdisho (SNTV):- Munaasabad ujeedadeedu ahayd kor u qaadista nadaafadda iyo bilicda iyo soo dhoweynta guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa xalay lagu qabtay degmadaas,waxaana ka qeyb galay golahayaasha Barlamaanka Federaalka,Wasiiro,mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo shacabka degmada Xamar Jajab iyo Fanaaniin qurbo joog u badnaa.

Guddoomiyaha degmada xamar jajab Ismaaciil mukhtaar Oranjo ayaa sheegey in degmada xamar jajab ay hormuud u noqon doonto degmooyinka gobolka Banaadir dhanka wax wada qabsiga nadaafada amniga iyo howlaha isxilqaan ee danta guud lagu fulinaayo.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa ku boorisay shacabka degmada xamar jajab iney is caawiyaan si loogu guuleysto soo celinta bilicda degmada  guddoomaha cusubna la shaqeeyaan .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo soo xirey munaasabada ayaa ugu baaqey bulshada ku dhaqan 17-degmo ee  gobolka Banaadir tartan la xariira bilicda iyo nadaafada degmooyinka gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...