Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo dardar gelinaya amniga iyo bilicda degmadaas

Date:

Muqdisho (SNTV):- Munaasabad ujeedadeedu ahayd kor u qaadista nadaafadda iyo bilicda iyo soo dhoweynta guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa xalay lagu qabtay degmadaas,waxaana ka qeyb galay golahayaasha Barlamaanka Federaalka,Wasiiro,mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo shacabka degmada Xamar Jajab iyo Fanaaniin qurbo joog u badnaa.

Guddoomiyaha degmada xamar jajab Ismaaciil mukhtaar Oranjo ayaa sheegey in degmada xamar jajab ay hormuud u noqon doonto degmooyinka gobolka Banaadir dhanka wax wada qabsiga nadaafada amniga iyo howlaha isxilqaan ee danta guud lagu fulinaayo.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa ku boorisay shacabka degmada xamar jajab iney is caawiyaan si loogu guuleysto soo celinta bilicda degmada  guddoomaha cusubna la shaqeeyaan .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo soo xirey munaasabada ayaa ugu baaqey bulshada ku dhaqan 17-degmo ee  gobolka Banaadir tartan la xariira bilicda iyo nadaafada degmooyinka gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....