Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland oo Kormeer Ku Sameeyey Xaafiisyada Madaxtooyada ee Maamulkaasi

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 15 January 2019 waxaa uu kormeer ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Puntland, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogtaynayey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dawlad goboleedka Puntland.

Dhinaca kale shaqaalaha xafiisyada Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweynaha ku qaabiley soo dhaweyn iyo qaabilaad laga dheehan karay farxad ay u qabaan madaxweynaha cusub ee Puntland, islamahaantaana waxay ka warbixiyeen qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayadu.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqaalaha xiifiisyada Madxtooyada Puntland uga mahad naqay qaabilaada iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana uu kula dar daarmay in shaqada ay u hayaan bulshada ay tahay shaqo qaran loogana baahan yahay dar-dar galin iyo masuuliyad adag.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...