Banaabaxyo ka dhashay qiimaha shidaalka oo sare u kacay oo Zimababwe ka dhacay

Date:

Banaanbaxyo ay shacabku uga cabanayaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay ayaa ka socda dalka Zimbabwe ee Koofurta Afrika

Magaalada caasimadda ah ee Harare iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lixaad leh oo xiray isku socodka gaadiidka, waxaana dadku ay gubayeen taayaro, iyagoo ku qaylinayey hadalo ay ku diidanyihiin qiimaha shidaalku halka uu gaaray.

Halka Liter oo Naaftada ah ayaa hore u ahaa qiime aan ka badnayn $1.5, balse hadda waxa uu marayaa $3.31, taas oo gaadiidley badan ku keentay inay baabuurta garaashyada ku xareeyaan markii shidaal loo waayey.

Ciidamada Booliska ayaa kala eryay dad isugu soo baxay magaalada Bulawayo, waxaana ay fureen jidadka taayarada lagu gubay, balse wali baahiyada shacabku waa mid aan laga jawaabin.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa waxa uu sheegay in dawladdu ay si kas ah u samaysay qiima kordhinta shidaalka, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta ay siyaasadaas u qaateen.

Zimbabwe oo ah dal ka soo kabanaya muddo dheer oo xukun Militari ah, ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhaqaale, mana lahan Bad iyo Dekado, waxaase ay ku tiirsanytahay Dekadaha dalaka dariska la ah oo ay wax uga soo dagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...