Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo maanta xilka la wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ee ku taalo magaalada Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa maanta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Garaash ayaa 8-bishan ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku tartamayeen musharaxiin badan oo u kala ordayay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa balan qaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda,isagoona wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...