Home Blog Page 1113

Maamulka Hirshabeelle oo yeelanaya Boliiskii ugu horreeyay

0

Jowhar-(SNTV)-198 Boolis ah ayaa tababar soconayay Saddex Bil loogu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeelle Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaasi, Cusmaan Barre Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wasiirka amniga iyo dhaqan celinta Hirshabeelle, C/qaadir Aaden Jeelle, ayaa bogaadiyay Askarta soo dhammaysatay tababarka, wuxuuna faray in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jeneraal; Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhammeystay, wuxuuna sheegay in ay ku soo biirayaan Ciidan leh Taariikh dheer, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan Boliis wanaag iyo qab leh, Ummaddiisana uga adeega si daacadnimo ah.

Tababarkan oo ay bixinayeen Saraakiisha Boliiska Amisom, ayaa waxaa maal-gelintiisa lahaa Midowga Yurub, waxanay dufcaddan qeyb ka tahay 800 Boliis ah oo uu dhowaan yeelan doono maamulka Hirshabeelle.

Marwada Qaranka oo la kulantay Amiiradda dalka Qatar

0

Muqdisho (SNTV):-Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Qatar ayaa la kulantay Madaxa Maamulka Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Horumarinta Bulshada Al-amiirah Moosa Bintu Naasir.

Labada Marwo ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo hannaanka bixinta adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Marwo Saynab ayaa warbixin ka siisay Amiiradda dalka Qatar Marwo Moosa Bintu Naasir dadaalka ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotoma dib u soo celinta waxbarashada asaasiga ah, xoojinta adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee la doonaayo in ay Dowladaha aan baahwadaagta nahay ee Carabta in ay nagu garab siiyaan.

Al-amiirah Moosa Bintu Naasir ayaa ku bogaadisay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayaan dib u soo celinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, iyadoona muujisay in ay ka go’an tahay dalkeeda garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Marwada Qaranka ayaa intaas kaddib waxa ay kormeertay qaar ka mid ah Xarumaha Daryeelka Agoonta, Waxbarashada iyo Caafimaadka ee dalkaas Qatar, waxa ayna ku dhiirri gelisay in khibraddooda ku aaddan dhinacyada adeegga bulshada ay ku tayeeyaan dhiggooda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.

Munaasabad lagu xusayey Sanadguuradii 59aad ee aas-aaska Ciidanka Cirka oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Muqdisho (SNTV)- Munaasabadaan oo lagu xusayey sanadguuradii 59aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Gudaha Xerada Ciidamada Cirka ee Afaziyooni.

Waxaa Munaasabadaasi ka qeyb galay Wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Federalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, qaar kamid ah Taliyeyaashii hore ee CXDS, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ka sheekeeyey Waxqabadka iyo Taariikhda Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Qorsheyaasha Horumarineed ee ay hiigsanayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Cirka, si loo soo celiyo Heybadii Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed cali Xagaa  ayaa sheegay in wasaaradda gaashandhigga dadaal xooggan ay ku bixin doonto dhismaha iyo tayenta ciidanka Cirka.

Wasiir dawlaha gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Ubax dhigay taalo loogu talo galay in lagu xasuusto shuhadadii ka shahiiday Ciidanka Cirka  Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

0

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan  ayaa maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, waxaana  socdaalka ku wehlinayo Khubarro iyo  qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee  Magalaadda Kismaayo ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Qorsheynta  Jubbaland  iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland  oo qeybta soo dhaweynta garoonka diyaaradda Magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay wafdiga, waxuuna intaasi ku daray in ka jubbaland ahaan ay soo dhaweeynayaan Watashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, ayaa sheegay in dalka oo dhan si rasmi ah ugu daah furmay wadatashiga wareegga koowaad ee  Qorsahaha Horuminta Qaranka Sagaalaad, tasoo ahmiyada laga leeyahay ay tahay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed talooyinkooda la dhageysto iyo waxyaabaha ahmiyada u leh in qorshaha sagaalaad lagu cadeeyo.

Waftiga uu hoggaaminayo Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa Magaaalada kismaayo ku sugnaan doona muddo afar maalmood ah, si wadatashi  siman loola yeesho dadka ku nool Jubbaland.

W/D:-Abdirishiid Nuur Ibraahim

Dhalinyaro laga soo daayey Xabsiyada dalka Iiraan oo Muqdisho soo Gaaray

0

Muqdisho (SNTV)- Dhalinyaradaan Maxaabiista ku ahaa dalka Iiraan ee dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa waxaa Hoggaaminayey Danjire Maxamed Xuseen Owliyo oo dadaal dheer ka geeystay sii deynta Dhalinyaradaan.

Qaar kamid ah Dhalinyarada laga soo daayey Xabsiyada dalka Iiiraan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahad celiyey Maxamed Xuseen Owliyo oo gacan ka geeystay sii deyntooda.

Danjire Maxamed Xuseen Owliyo oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay soo deynta dhalinyaradaan, isaggoo tilmaamay in dadaal badan uu u galay siddii uu soo deyn lahaa, Maadaama Soomaaliya iyo Iiraan aysan laheyn Wax Cilaaqaad ah.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray Tababar ku saabsan Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska

0

Muqdisho (SNTV)-Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa soo xiray Tababar ku saabsanaa Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarkaan in ay ka hortagaan dambiyada abaabulan sida Tahriibinta caruurta iyo socdaalada sharci darada ah.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Boliiska Garoonka Muqdisho, Qeybta dambi baarista (CID),NISA, Interpol, Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska iyo Guddiga Maamulka Diyaaradaha.

Tababarkaan oo socday muddo seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baranayay sida looga hortago dambiyada abaabulan, ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta dadka, tababarka ayaa waxaa bixiyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Xukuumadda Oo Ansixisay Heshiiska Tababarrada Ciidamada Ee U Dhexeeya Soomaaliya Iyo Turkiga

0

Muqdisho (SNTV)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga

Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka.

Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee India iyo Nigeria

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.

Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Sheidu Omeiza Momoha yaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.

Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirka wada tashiga Istiraatiijiyadda Wacyi gelinta Qaranka oo Maalintii Labaad galay

0

Muqdisho-(SNTV)-Shir looga tashanayo hannaanka wacyi-gelinta Bulshada oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kana qeybgaleen, wakiillo ka kala socda maamul Goboleedyada Dalka iyo xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah ayaa Maalintii Labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-caddaala, oo la hadlay  warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay  mideynta habka wacyigelinta Bulshada, wuxuuna yidadiilo ka muujiyay in ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxaan.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska ay ku dar-darqgelineyso howlaha loo igmaday ee Qaranka.

Shirka Wadatashiga Qorshaha howl-fulineed ee Istiraatiijiyadda Wacyi gelinta Qaranka ayaa waxaa Shalay daah-furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle.

W/Q: Nimc Maxamed Maxamuud