Home Blog Page 1113

Shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo dib u bilaabaysa duulimaadkeedii Soomaaliya.

0

Adis Ababa-(SNTV)- Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia ayaa maanta shaaca ka qaaday in bisha November soo socota 2-eda ay shirkadu dib u bilaabeyso duulimaadkeedii khadka Adis-Ababa iyo Muqdisho kadib markii duulimaadkan uu go’ay  muddo haatan laga joogo 41 sano ah ka hor, wuxuuna sheegay in sabtidii aynu soo dhaafnay ay shirkada duulimaadkii u horeeyay ee ganacsi ah ka sameysay Adis-Ababa iyo Muqdisho.

Warkan oo Wakaalada Anadol ay kasoo xigatay Idaacadda ay Maamusho Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Fana ayaa intaa raaciyay in dib u soo celinta duulimaadka rayidka ee labada dal Soomaalia iyo Ethiopia ay door weyn ka ciyaarayso sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ee deriska ah gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka.

Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia wuxuu tilmaamay in soo celinta duulimaadkan ay faa’iido weyn u keenayso Soomaalida dibbadaha ku nool gaar ahaan wadamada Mareykanka,Yurub,Asia iyo Bariga Dhexe oo ay u sahleyso sidii ay Somalia u soo booqan lahaayeen iyagoo soo raacaya shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo uu sheegay inay duulimaad ku sameyso 116 dal oo caalamka ka titsan.

Dhanka kale Masuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ayaa cadeeyay in  duulimaadkan uu noqon doono mid toos ah oo Todobaadkiiba Sedex mar ay Diyaaradu ku imaanayso Muqdisho.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirkii 5-aad ee guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee Wadamada Islaamka

0

Muqdisho (SNTV) Shirkii 5-aad ee Caalamiga ah oo ay yeelanayaan Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee wadamada ku bahoobay Ururka Islaamka ayaa ka socda Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga,waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya dowladaha Islaamka ee dunida.

Waxaa shirkani uu soo qaban qaabiyay guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka, Soomaaliya u matalaya wafdi ka socda wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul-Insaanka, kaasi oo uu horkacayo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeq Suleymaan Yuusuf.

Ajendayaasha sanadkan diiradda lagu saari doono shirkaasi inta uu socdo waxaa kamid ah arrimo la xiriira dhibaatooyinka Islaam neceybka,ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo faquuqa ka jira daafaha caalamka.

Shirkan ayaa sanadka ku soo aadaya iyadoo dunida daafaheeda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo salka ku haya xadgudubyada xuquuqul-Insaanka,waxaana la filayaa in xubnaha matalaya wadamada ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamku ay soo saaraan qodobo muhiim ah.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq oo la Kulmay Madaxweyne Barham Saalax

0

Muqdisho (SNTV) Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Cabdifitaax Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalkaas Mudane Barham Saalax.

Siihayaha ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Ciraaq salaan iyo hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ciraaq ayaa uga mahadceliyay siihayaha dhambaalka uu uga siday Madaxweyne Farmaajo isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciraaq ay dooneyso in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Oslo oo baroor diiq loogu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Zope SAWIRRO.

0

Munaasabad baroor diiq iyo duco ah oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimadda dalkaasi.

kulankan ducada ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudigii deeq aruurinta qarixii 14 Oktoobar oo sanad kahor looga dhawaaqay magaalada Oslo kuwaasoo tabarucaad badan ka uruuriyay Soomaalida ku dhaqan dalka Norway maadaama dadka waxyeeloobay ay u baahnaayeen caawimaad deg deg ah oo aan loo kala harin.

dadka isku yimid oo isugu jiray qeybaha bulshada ayaa si wadajir ah goobta ugu duceeyay dadkii halkaasi ku geeriyooday iyagoo alle uga baryay caafimaad  kuwo weli la xanuunsanaya werarkaasi bahalnimo oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 600 oo qof.

Ka qeyb galayaasha baroor diiqdaasi ayaa muujiyay sida dalku ugu baahanyahay in laga xoreeyo argagaxisada iyo taageerada qurba joogta ee dowladda federaalka ah oo dagaal xoogan kula jirta maleeshiyada Al shabaab iyo kooxaha xagjira.

Bashiir Gaani.

UK oo deeq waxbarassho siineysa Soomaalida

0

Xarunta Chevening ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta iyo hoggaaminta ayaa bixineysa fursad waxbarasho oo u furan  aqoon yahannada Soomaalida ee leh xirfadaha hoggaamineed.

Haddaba haddii aad daneyneyso fursaddaas waxbarasho, waxa aad kala xiriiri kartaa www.http://www.chevening.org ama www.facebook.com/ukinsomalia.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Khartuum uga qeyb-gashay shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO.

0

Khartuum (SNTV):- Shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan, waxaana Soomaaliya ku matalaya wasiirka wasaaradda caafimaadka Drs. Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fawsiya ayaa loo doortay ku xigeenka shir gudoonka, waxaana ay ka hadashay dadaalada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.

Eng Yarisow “Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waaweyn waa mid kor loogu qaadayo aqoonta Bulshada Caasimadda”

0

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha.

“Si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada bulshada ee dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dadka waaweyn xiligan loo diyaar garoobayo doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020 ahmiyad wayn ayuu ku fadhiyaa barnaamijkan waxbarashada dadka waaweyn ee Gobolka Banaadir”.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu laga jeediyey khudbado kala duwan oo taabanaya ahmiyadda barnaaminka Waxbarashada dadka Waaweyn

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada oo Muqdisho laga furay

0

Muqdisho (SNTV) – Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay hotelka Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan siddii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen, Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyaddoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hay’adda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isaggoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

“Dhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah, Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay.

 

 

Xaflad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacadaha Pakistan

0

Pakistan (SNTV)- Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo xaflad qalin jabin u samaysay arday dhammaysay heerka kowaad iyo kan labaad ee Jamacaadaha ku yala dalka Pakistan.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lgu maanuusayay qalin jabinta arday Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Soomaaliya  ee dalka Pakistan Ambassador Khadija Al Makhsuumi, madaxa hay’ada ugu sareeysa waxbarashada dalka Pakistan Dr Tariq Banori, Safiirka dalka Italy u fadhiya dalka Pakistan iyo Safiiro heer caalam ah.

Ardaydan Soomaaliyeed ayaa bartay Cilmiga Engineeriyada noocyadisa kala duwan iyo maamulka iyo maaraynta, waxa ayna ka qalin jabiyeen jamacadaha ku yaala magalooyinka Islamabad, Bishawar,Faysalabad, iyo magaalada Lahore waxaan wajiyadoona laga dheehan karay farxad iyo damashaad.

Ugu horayn safiirka Soomaaaliya ee dalka Pakistan Khadiija Maxamed Al makhsuumi ayaa soo dhaweysay marti sharafta ka soo qeyb gashay munaasabada qalin jabinta waxa ayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay.

Dhanka kale, madaxa ugu sareeya hay’adda waxbarashada dalka Pakistan Dr Tariq Boanori, oo munasabadda marti ku ahaa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalin jabisay waxa uuna shegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka munaasabada .

Munasabada waxa soo qaban qaabiyay ma’suuliyiinta safarada Soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo ay ugu horeyso danjire Khadiija Maxamd Al makhsuumi iyo howl wadeenada safaarada oo uu kamid yahay uqeyb sanaha arrimaha dhaqanka iyo waxbarashada Cismaan Ducaale.