Home Blog Page 1112

Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Gobolka Banaadir oo la Daah furay

0

Muqdisho (SNTV):-Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta daah furay shirka wadatashiga iyo diyaarinta Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee shanta sano ee soo socota.

Shirka ayaa lagu falan-qeeyey qabyo qoraalka Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee 2019-2024, waxana dhinacyadii ka soo qeyb galay ay dood adag ka yeesheen sidii mudnaanta loo siin lahaa baahiyaha ay muhiimka tahay in lagu saleeyo qorshahan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahani uu yahay mid lagu saleysanayo baahida bulshada Gobolka Banaadir ee mudnaanta leh shanta sano ee soo socota, iyadoo lagu bilaabayo wadatashiyada waaxaha maamulka, loona daadajin doono degmooyinka iyo qeybaha bulshada, si loo helo tallooyinkooda waxgalka ah.

“Ujeedkeennu waa in bulshada Gobolka Banaadir iyaga uu ka yimaado qorshahan, laguna saleeyo baahida ay leeyihiin, waxayna wadatashiyadu mari doonaan dhowr qeybood oo muhiim ah, si qorshahani uu u noqdo mid matali kara shacabka ku nool Caasimadda”.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in talada dib loogu celiyo shacabka, si shaqo walba oo la qabanayo u noqoto mid ku qotonta baahida degmooyinka Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.

Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay Gobolka Bakool

0

Xudur (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,kaasi oo lagu dilay deegaanka Shiidle ee gobolkaasi.

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada maleeshiyada Al-Shabaab ku haayaan.

Taliyaha Ciidanka Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka,Baraawe,Buulamareer,Qoryooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalo Gobolka Shabeellaha hoose.

“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u gaaraan.

Gen. Elwelu ayaa sidoo kale ku booriyay inay foogjignaadaan iyo iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixsada Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo u safray Sucuudiga

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo shahaadooyin guddoonsiiyay Maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaay ka qeyb galeen xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Maxabiistaan oo tiradood gareysa 38-ruux ayaa waxay barteen xirfado kala duwan oo ay ka mid tahay saxaafada iyo computarka  oo ay ka barteen iskuulka rajo oo ku dhex-yaal  gudaha Xabsiga dhex  ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir maxamed jaamac ayaa wax lagu farxo ku tilmayay in maxaabiis lagu soo eedeyay dambiyo kala duwan taliska ciidanka asluubta ay baraan xirfado mastaqbalkooda wax u tari kara.

Taliyaha ayaa ku dhiirageliyay maxaabiista maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay iney ka waan tooban dambiyada loo heesto.

Qarkamid ah maxaabiista maanta qalinjibiyay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen iyagoo xabsiga ku jira,waxayna uga mahad celiyeen taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fursadaan siiyay.

Wasiirka Waxbarashada  Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay talaabada taliska Ciidanka Asluubta ay qadeen oo  ku aadan waxbarashada maxaabiista.

Madaxda sare ee dalka ayaa ku bogaaday taliska Ciidanka Asluubta tallaabooyinka horumarka leh ay ka wadaan xabsiga dhexe iyo Maxaabiista ku xiran.

Wasaaradda qorsheynta XFS oo wadatashi la yeelatay Ururrada Bulshada rayidka Jubbaland

0

Muqdisho-(SNTV)-Kulanka wadatashiga ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo ahmiyad ballaraan u leh dalkeena Soomaaliya, waxaana kulanka ka qeybgalay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Masuulayiin ka tirsan maamaulka Jubbaland, Ururada bulshada rayidka iyo khuburro ku xeeldheer arimahan.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta,Maal gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in wadatashigan muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

“Waxaan halkaan maalintii labaad nooga socda Wadatashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxaan maanta diirada saaraynaa maraaxil fara badan oo ku cad waxyaabaha aan dooneyno si dalkeenu u guuleysto, waxaana sharaf noo ah in muhiimadeheena aan ku cadeynno qorshaha taaso oo ahmiyad u leh dalka”ayuu yiri Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta

“Qorshahan hore waxaan ka baranay, in la darso wax qoran ee laga soo maray Qorshaha horumarinta qaranka sagalaad, wareega kowaad ee hada halkan u joogna waxaan qaadaynaa heerka saboolnimada aan ka joogna,midka labaad waxaa macquul ah in aad isku raacdaan in la yereeyo sabooolnimada waa in la kordhiyaa wax soo saarka, waxyaaha muhiimada leh ayaan kala qaadano see u kala hormarinaa, waa in aan ku xirnaa dhaqaale raadin iyadoo la eegayo wax ku baxayo iyo sida loogu xalin lahaa” ayuu yari Xoghyaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta.

Guddoomiyaha Ururada Buslahda rayidka Jubbaland Cabdulaahi Sheikh Shaafici waxuu sheegay in urarada bulshada rayidka ay soo dhaweenayaan in la dhageysto afgaartooda ,tasoo muujinayso in dalka horumarkiisa laga qeyb qaato.

Inta uu socday Kulanka ayaa waxaa si wayn looga hadlay wax ay tahay Saboolnimada, sida loo yareen karo iyo geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya oo meel wagaansan marayso.

Ururada bulshada rayidka iyo khuburada Wasaaradda Qorsheynta ayaa wada falanqeeyay wax ay tahay saboolnimada hanaanka loo yaren karo, tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha horuamrinta qaranka, Sida Tubta Siyaasada loo dhan yahay,Tubta Dhaqaalaha,Tubta Amniga iyo Cadaaladda, Tubta Arrimaha Bulshada,Tubata Deeganka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Bulshada ka qeybgalay Wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad oo koox_koox u qeybsanaa ayaa soo bandhigay talooyin horu-socod u leh geedi socodka qorista Qorshaha iyo horumarka guud ee dalka iyo heer Maamul.

Itoobiya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ee DDS

0

Jabuti(SNTV) Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi Itoobiya.

“Marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa 1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya daqliga oo gaaraya 6 ilaa 7 Billion sanadkiiba”, Ayuu yiri wasiir Koang Tutlam

Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka  labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Sweden kula kulmay Stockholm

0

Stockholm (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, isagoo la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo.

Sidoo kale labada masuul ayaa adkeeyey sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah.

Shaqsiyaadka u adeegsado baraha bulshada galalka dacwadeed ee horyaallo Maxkamadaha oo wajahayo Cadaaladda

0

Muqdisho (SNTV)- Iyadoo dhawaanahaaan ay Ku soo bateen baraha bulshada shaqsiyaad  baadi doonayo magac iyo xoogaa yar oo lacag ah ayaa  waxyaabaha ay diiradda saaraan ee gariibka ah waxaa  kamid ah galalka dacwadeed ee horyaallo maxkamahada  dalka gaaar ahaan kuwa rayidka.

Waxyaabaha ay Ku kacayaan shaqsiyaadkaas ayaa  marin habaabin kara ra’yiga dadweynaha sida kalsoonida ay ku qabaan garsoorka, bahdilka masuuliyiinta garsoorka  iyo u turjumid habowsan oo  dadka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya  ay dhaxalsiiso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa digniin u diray kuwa ku Howlan arrimahaasi, waxa ayna wejihi doonaan cadaaladda iyadoo la marinayo maxkamadda awoodda u leh.

“Maanta laga bilaabo Ciddii ka dacwooto baraha bulshada ee kiis ka socda maxkamadaha kaga faalooto, waxa ay wajihi doonaan cadaaladda iyadoo la marinayo Maxkamadda awoodda u leh, marka laga gaaro go’aan kiiskiisa, waxna laga weydiin doono danta ay ka lahaayeen”

Dhanka kale Bahda garsoorka ayaa shahaado shaqo wanaag ah guddoonsiiyay taliyaha Qeybta bartamaha gobalka Banaadir iyo taliyaha degmada Cabdicaziiz ee gobalka Banaadir kadib markii ay si gaar ah isaga xilsaareen  sugidda amniga shirsanadeedkii garsoorka ee ka dhacay muqdisho 6-7-dii bishan aynu Ku jirno.

 

QM oo ku dhowaaqday 30 Milyan Dollar oo lagu bixiyo nabadda Soomaaliya

0

Muqdisho- (SNTV)-Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

Isha/ Agencies