Home Blog Page 1112

Dekadda magaaladda Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah

0

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta dekadda magaaladda Muqdisho ku qabtay kontainer Khamri ah, kaas oo saxaafadda loo soo bandhigay, iyaddoo goobta lagu soo bandhigay ay joogeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kontainerka ay ku jiraan 905 kartoon oo Khamri ah, kuwaasi oo isla maanta lagu gubay duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xiggeenka arrimaha bulshadda maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in sidoo kale Khamri kale lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorsooyin lagu dhex qariyay.

Taliye ku-xiggeenka Hoggaanka dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliya Sarreeye guuto Bishaar Abshir Geeddi iyo Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee  ciidanka booliiska Sarreeye guuto C/laahi Xasan Bariise ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta goob jooga ka ahaa gubista iyo burburinta Khamrigan.

Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.

“Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sugaysaa, maadama aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga sugayaan in aan si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiigsiyada dowladda ee tubaha horumarinta arrimaha bulshada, amniga, caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Ma jirto dan shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana awoodda saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida masuuliyadda leh ee ay u gudanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay masuulka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.

 

Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xuquuqdooda oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Xoogga  saareyso Ilaalinta iyo dhowrida Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed oo ahmiyad weyn uu leh Bulshadda ayaa Maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu qabtay Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xaquuqdooda.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinka ka tirsan Dawladda, Qeybaha kala duwan ee Bulshadda iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda caruurta Soomaaliyeed , Muhiimna ay tahay iney helaan Daryeel ku filan.

Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Xuquuqal Insaanka Caruurta iyo Haweenka ee Golaha Aqalka Sare Senator Sam Sam Ibraahim Cali ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin siddi looga shaqeyn lahaa Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed.

Kasoo qeyb galeyaasha kulankaan ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan in lagama maar maan ay tahay in laga shaqeeyo horumarinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed, si ay u helaan Xuquuqda aas-aasiga ay leeyahiin.

Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay

0

Muqdisho Octobe 18 (SNTV):- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan.

Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada.

Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay.

“Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin.

“Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada Xamar Weyne

0

Muqdisho Octobe 18 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay dib-u-dhiska Warta Tunbuluq ee degmada Xamar-Weyne, taasoo aan shaqayn ilaa iyo Dawlad-burburkii.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in furitaanka mashruucan dib loogu howlgelinayo warta Tunbuluq uu bilow u yahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo dhammaan biyo-mareenada Caasimadda ee xirmay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu xusay in Wartan ay kaalin wanaagsan ka qaadan jirtay gaarsiinta badda ee biyaha fariista qeybo kamid ah degmooyinka xili roobka.

“Warta Tunbuluq waxay ahayd marin wanaagsan oo biyaha gaarsiiya badda, balse ma shaqayn dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay, mashruucan aan dib ugu howlgelinaynana waa mid bilow u ah dhismaha guud ahaan kanaaladii biyaha qaadi jiray ee Caasimadda”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhismaha iyo horumarka dalkooda, isla markaana loo istaago sidii wadajir loogu dhisi lahaa dalka.

Furitaanka Masharuuca dib loogu dhisayo Warta Tunbuluq ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Howllaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan Dalka Ingiriiska

0

london October 18 (SNTV):-Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain.

Mudane, Beyle ayaa sheegay inuu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt iyo Madax kale oo ka tirsan UK, iyagoo ka wada hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Magaalada London kula kulmay Madaxda Dowladda Britain sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madax kale oo aan kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Dalkeena Soomaaliya.ayuu  yiri wasiirka Maaliyadda XFS.

Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo  horumarinta Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada.

Muqdisho October 18 (SNTV):-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha qaranka.

Kooxda kubadda cagta Horseed oo abaal marin loo ballan qaaday

0

Muqdisho (SNTV)- Kooxda kubadda cagta  Horseed ee Ciidamada Xoogga  dalka Soomaaliyaad ayaa maanta ay si wada jir ah ugu sameeyeen Taliska Ciidanka iyo Wasaaradda gaashaandhigga kulan dhiiri gelin ah, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhige iyo Ku xigeenkiisa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta goobta ka hadalay oo ay kamid ahaayeen wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa si wada jir ah  ugu ballan qaaday kooxda in ay abaal marin heli doonaan hadii ay ka guuleysteen kooxda ay finalka la ciyaarayaan.

Horseed ayaa finalka la ciyaari doonto kooxda Benaadir koobka Jenaraal Daa’uud  maalinta birrita ah.

 

Wasiirka Waxbarshada XFS oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga

0

Ankara (SNTV)- October -17-2018- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo safar  shaqo ku jooga Magaalada Ankara ee Dalka turkiga oo uu wehliyo Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka  Turkiga Jaamac Cabdullahi Maxamed Caydiid iyo Uqaybsanaha  Waxbarashada ee Safaaradda  Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan  ayaa kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (YOK) .

Wasiirka ayaa  sheegay in uu ka la hadlay Guddoonka guddiga YOK Aqoonsiga   Jaamaacadaha Dalka Soomaaliya oo aysan horay u Aqoonsanayn  qaar kamid ah Jaamacahadaha ay wax ka soo barteen ardayda soomaaliyeed oo  aysana u suurta galin in ay sii wataan waxbarashadooda heerka labaad ee Jamacada gudaha   dalka Turkiga  maadaama aanan la aqoon sanayn jaamacaadahas oo aysan  Aqbalin Jaamacadaha ku yaala dalka turkiga Ardaydii u timid in ay wax ka bartaan.

Sidoo kale waxay kawada hadleen Gudoonka guddig arrimaha Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata dalka turkiga oo ay saamaynta ku yeelatay Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka turkiga 2016 in ardaysaas la siiyo deeqo waxbarsho si ay usii wataan waxbarashadooda .

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa ka codsaday in Gudoonka Guddiga  YOK ay tababaro siiyaan  macalimiinta dugsiyada  Sare ee Farsamada  sida dugsiga sare ee farsamada gacanta , korantada ,Xanaanada xoolaha ,Beeraha iyo  kaluumaysiga,  taasoo ay ku howlaneed Wasaaradda waxbaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare siddii ay u hirgalin lahaayeen dugsiyadaas sare ee farsamada.

 

War-Murtiyeedka kulanka wasiirrada arrimaha dibadda, Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritereya ee Muqdisho.

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018.

Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018.

Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.

Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal.

Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed.

Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog.

Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal.

Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.