Shirka wada tashiga Istiraatiijiyadda Wacyi gelinta Qaranka oo Maalintii Labaad galay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Shir looga tashanayo hannaanka wacyi-gelinta Bulshada oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kana qeybgaleen, wakiillo ka kala socda maamul Goboleedyada Dalka iyo xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah ayaa Maalintii Labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-caddaala, oo la hadlay  warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay  mideynta habka wacyigelinta Bulshada, wuxuuna yidadiilo ka muujiyay in ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxaan.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska ay ku dar-darqgelineyso howlaha loo igmaday ee Qaranka.

Shirka Wadatashiga Qorshaha howl-fulineed ee Istiraatiijiyadda Wacyi gelinta Qaranka ayaa waxaa Shalay daah-furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle.

W/Q: Nimc Maxamed Maxamuud

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...