Home Blog Page 1114

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay inay kudadaaleyso wax u qabashada dhaawacyadii baydhabo

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii caafimaad deg deg ah ay u heli lahayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.

Wasiirka oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo xaaladood aad u liidatay la keenay Muqdisho, isla markaana haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kula socon doonaan xaaladooda caafimaad, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dalka ee ahaa in Xukuumaddu ay si deg deg ah ugu gurmato dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Al-Shabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaanno oo dhawaan gaaray Baydhabo ayaa kaalmo daawo ah gaarsiiyay Baydhabo, iyagoo sidoo kale Muqdisho u soo qaaday dhaawacyada culus ee ku jiray Isbitaalka Baydhabo.

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray.

Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka ka dhaxeeya, arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay maamulkiisu.

“Qaramada Midoobey waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir-na wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hay’adaha kala duwan ee QM. Wakiil Haysom waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda, horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadan”.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhinaciisana, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira. Waxaana wakiilku cadeeyay in UNSOM ay noqon doonto mid u adeegta danaha guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale.

“Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

“Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.

Diyaarad Militari oo ku soo dhacday Waqooyiga Sacuudiga

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Sacuudiga ayaa sheegtay in Diyaarad ay leeyihiin Ciidammada Cirka ee Sacuudiga ay ku soo dhacday waqooyiga dalkaasi xilli ay tababar ku jirtay.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in shilkaasi uu ku geeriyooday duuliyihii Diyaaradaasi,waxaana warku intaa ku daray in haatan aay socota barista sababta shilkaasi.

Diyaaradda oo nuuceedu ahaa HOK ayaa ka mid Nuucyada tababarka ee Ciidammada Sacuudiga isticmaalaan.

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo laga soo sheegayo biyo la’aan sameeysay dadka iyo duunya

0

Degaano kamid ah Gobalka Mudug ayaa la ga soo sheegayaa biyo la,aan sameeyn ku yeelatay dadka iyo duunya.

Degaanka Baraag Ciise oo 45 Km dhanka Koonfur kaga beegan Degmadda Bacaad weeyn ee Gobalka Mudug ayaa dadka degaankaasi ka cabanayaan Biyo La,aan sameeysay  dadka iyo duunyada hakaasi ku nool.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Baraag Ciise oo lahadlay  warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka iyo xoolaha ku nool Degaanka ay biyaha ugeyaan Booyado, booyadahasi ayaa waxay ku bixiyan  lacag garaysa 180 dollar madaama ay ka fogyihiin Ceelbiyoodyada degaanka xiligana ay jiran baahiweyn oo ay dadka ku dhaqan degaanka Baraag Ciise ,  Salaad Maxamuud Ciise oo ka midaha dadka degaanka Baraag Ciise ayaa intaas ku daray in maamulka Galmudug looga baahan yahay in ay gacan ka geystan sidii dadka iyo xoolaha degaankasi ay u heli lahayeen Ceelbiyood.

Madaama aysaan dadku  awoodin lacagta ay booyadaha biyaha ku geyaan  degaanka Baraag Ciise, degaanada ku xeeran gobalka mudug ayaa waxaa ka dhacaa biyo la,aan  marka ay soo daahaan curashada Xili Robaadka.

 

Socdaalka Madaxda JFS waa tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa (Faallo)

0

In madaxda dalka Soomaaliya ay booqdaan degmooyin ka mid ah dalka,isla markaana ay soo eegaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada iyo hormarada kale ee ay ku tallaabsadeen waa calaamad muujineysa hanaanka dowlad wanaagga ee ay ku sifoobeen madaxda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan adag oo la doonayo sidii loo raadin lahaa umad ka qeybqaadata nabad ku soo dabbaalidda dalka .

Haddaba muhiimadda guud ee safarka Madaxda dalka ay ku tageen xarumaha  Marka iyo Jowhar ayaa loo arkaa  mid wax ku ool ah  oo muujinaaya in weli ay jiraan hogaamiyaal Soomaaliyeed oo daneynaya in ay la socdaan arimaha bulshada iyo hormarka kale ee ka jira degmooyinka dalka.

Dhiirrigelinta  ciidamada ku howlan nabadeynta dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ,ayaa ka mid ah booqashada madaxda dalka oo lagu micneeyay sidii loo  heli lahaa  niyad ama moral adag oo lagu xoreeyo goonaha ay weli joogaan cadowga umadda.

Nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka walaalaha ah ayaa sidoo kale ku jiray ajeendaha safarka madaxda dalka, iyadoo isla markaana dadaal dheeraad ah  la galinaayo sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka ragaadiyey isbadallada nololeeed ee umadda.

In la booqdo goobaha cusub ee loo diyaariyay tababarka ciidamada iyo dhismaha kuwa loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulada,ayaa sidoo kale ka mid ahaa barnaamijka dowladda ee lagu tagay degmooyinka dalka.
Qeybaha bulsho ee ku dhaqan deegmooyinka la booqday ee Marka iyo Jowhar ayaa gudbinaya sawir farxad leh oo dhiirigelinaya hammigii ay ku socdeen wafdiga Madaxda dowladda ,kaas  oo ah in loo baahnaa booqashooyin lagu ogaado xaaladda dadka iyo deegaanka.

Hoggaaminta wanaagsan ee dowlad dooneysa horumar,waxa ay ku jirta mar kasta in lala socdo ama laga  warqabo dhibaatooyinka hortaagan  bulshada,mashaariicda socota, horumarka kale ee lagu tallaabsaday iyo dhameystirka adeegyada ay u baahan yihiin umadi.

Waxaa hubbaal ah in haddii la doonayo horumar leh dhinacyo badan ay lama huraan tahay in la qaato talada madaxda dalka,isla markaana laga qeybqaato dadaalada dowladda ay ugu jirto ka miro dhalinta hadafka ama gaaritaanka waxqabad dhab ah oo muuqda.

Guud ahaan aragtida saliimka ah ee laga qabo safarka madaxda dalka waa tallaabo  wax ku ool ah oo gabagabadii ku soo biyo shubaneysa in meesha ay ka baxaan tuhunada la xiriira in dowladdu aysan ka warheyn xaaladda nabadgelyo iyo tan nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada dalka.

Wakaaladda SONNA

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Madaxa UNHCR kala hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha

0
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren.

Duqa Muqdisho iyo Madaxda UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo daafaha Caasimadda. Waxana ay isla soo qadeen shaqo abuurka dhalinyarada, dayactirka iskuullada iyo xarumaha Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin dheer ka siiyey ergada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga xaaladda barakacayaasha ku sugan Caasimadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo taageerada loo fidinayo waqtigan .

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda UNHCR ee maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si aan wadajir uga xaajoono mustaqbalka kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha iyo daafadaha Caasimadda iyo dadka qaxootiga dib uga soo laabanaya. M/mulka G/Banaadir si buuxda ayay u garab-taagan yahay qaxootiga iyagoo ka wada shaqaynaya hay’adaha gargaarka sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda dib u yagleelaan”.

Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin gacan siinta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana maadaama ay Caasimadda ku nool yihiin qaxooti tiro badan lagama maarmaan tahay in taageerada la sii labo-jibaaro.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Gobollada Baay iyo Jubbada Hoose

0

Howlgal dhanka cirka ah oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsanaa koxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose,islamarkaana lagu dilaya ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab.

Sidoo kale waxaa warkaasi lagu sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray howlgalkaasi qorsheysnaa oo lagu beegsanayay meelaha ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Dhinaca kale 8-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgal qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalku ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Howlgalkaasi ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada dowladda oo kuyaala deegaankaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle

Muqdisho October 15 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

Xubnaha Aqalka sare ku metala Koonfur Galbeed oo baaq u diray Shacabka iyo Maamulka k/galbeed

Muqdisho October 15 (SNTV):- Senatarada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullamo mudo u socday waxay ka soo saareen war murtiyadeed ku saabsan Xaaladdaha amni,siyaasadeed,Bulsho iyo midda dhaqaale  ee shacabka Koonfur Galbeed.

Senatarada ayaa marka hore cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisada 13-kii bishan October ay ka geysteen magaalada Baydhabo,weerarkaasi oo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen,waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen iney laba jibaaraan in gargaar ku filan oo deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay dhibaatada soo gaartay.

Iyadoo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha ayaa senatarada waxay ugu baaqeen dhammaan shacabka,musharaxiinta iyo Hay’adaha amniga iney xil gaar ah iska saaraan amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed,gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Xildhibaanada Aqalka sare ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran yahay doorashada madaxweynaha kula dar daarmay iney guud ahaan doorashada u maamulaan si daah-furnaan leh,islamarkaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda,waxayna si gaar ah ugu baaqeen in la de-dejiyo magacaabista Guddiga doorashada laguna qabto doorashada waqtigii loogu talagay.

Gabagabadii ayay Senatarada waxay ugu baaqeen shacabka Koonfur Galbeed iney ilaashadaan Midnimada,Nabadda iyo Xasiloonida deegaanka iskana ilaaliyaan in iyaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaanka.