Home Blog Page 1114

Wasiir Beyle oo digniin u diray ganacsatada aan canshuurta bixin

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr ; Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka ayaa Maanta ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka,  miisaaniyadda Sanadkan iyo caqabadaha ka taagan canshuur bixinta.

Wasiirka oo la hadlayay Saxaafadda ayaa digniin adag u jeediyay gacansatada aan bixin canshuurta lagu leeyahay, wuxuuna xusay in ay ka filayeen Sanadkan 20 milyan oo Doollar, balse ay kasoo xerootay 14 milyan, taas oo tusaale u ah sida ay u yartahay canshuurta la qaado.

“ Hadii ay jiraan Toban canshuur bixiye waxa kale oo jira Labaatan aan bixin canshuur, Maanta kadib ma aqbalayno inaan canshuur la bixin , Dadka ay doodda inoo socoto ha bixiyeen canshuurta, idin magacaabi maayo Maanta laakiin marka xigto waxaan idiin sheegayaa Dadka Soomaaliyeed, waxaan ku kala baxaynaa sharciga oo ah mid midka inoo dhaxeeya “ ayuu yirri wasiirka Maaliaydda.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in ay sameynayaan Taleefoon gaar ah oo looga tala galay canshuur bixiyayaasha.

Wada hadalka deyn cafinyta oo wareegga Saddexaad la soo geba-gabeynayo Bisha April horraanteeda ayuu raja badan ka muujiyay wasiirku, wuxuuna sheegay in ay wali caqabad tahay daqliga ka soo xerooda canshuuraha oo aad u yar.

Cabdishakuur Cali Axmed

Wasaaradda Qorsheynta oo kulan wada tashi ah ka furtay Hirshabeelle

0

Jowhar-(SNTV)-Kulan wada tashi ah oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii ay Ururrada Bulshadda rayidka Hirshabeele talooyinkooda ay uga dhax muuqan lahaayeen Qorshaha horumarinta Qaranka ayaa lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madax uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka, iyo hadafka Wasaaradda oo ah in la dhagaeysto Bulashadda Soomaaliyeed oo dhan.

Agaasimaha ayaa sheegy in ay diyaar u yahiin in ay dhageystaan Urarrada Bulshada rayidka iyo talooyinkoooda ku aadan Qorshaha saldhigga u ah horuarminta Dalka, sida yarynta Saboolnimada, geeddi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ururrada Bulshada rayidka ayaa loo qeybiyay Shan koox oo ay saldhig u tahay tubaha qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxanay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka kulankaa ku sugnaa soo bandhigeen aragti muhiim u ah geeddi socodka qorista qorshaha oo ahmiyad ballaaaran u leh Dalkeenna.

Dhinaca kale, waftiga uu hoggaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheyta, Mudane Asad Yusuf Qanyare ,ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Hirshabeele, Cali Guudlaawe isagoo uga warbixiyay dedaallada ku aaddan geeddi socodka qorista qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaaalaad.

Madaxeeyne, Cali Guudleewe ayaa soo dhaweeyay wadatashiga Wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ee xiilligan ka socda , Hirshabeelle iyo maamullada Dalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW oo ka hadlay Tubta horumarinta dhaqaalaha Dalka

0

Muqdisho-(SNTV)- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafiska iyo waxyaabaha fududeyn kara.

Dr; Axmed-nuur, oo ka hadlayay dood ku saabsanayd Tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya tahay Waddan dumay oo dib usoo kabanaya , loona baahan yahay in uu la jaan-qaado hay’adaha caalamka, si taa loo gaarana loo baahan yahay in si hufan loo qaado canshuuraha, in lala dagaallamo musuqa iyo in la adkeeyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xog-hayuhu, in ay Dowladdu waddo soo nooleynta himmilooyinka Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in dib loo daabaco Lacagtii Soomaaliyeed iyo in laysu furo Bankiyadeenna, si uu dhaqligu taabba gal u noqdo Dowlad nimadeennuna u hagaagto.

QM iyo Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xuquuqul Insaanka

0

Addis ababa-(SNTV)-Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay , Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in Xafiiskeeda uu Dowladda Itoobiya ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.

Mss; Bachelet, oo  Magaalada Addiis ababa kula kulantay, Madaxweynaha Dalka Itoobiya , Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dhiirri gelin lahaa is-beddelada iyo fursadaha ka jira Dalkaasi.

Michelle Bachelet, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku hanweyntay hirgelinta waxyaabihii ay ka wada hadleen iyada iyo Madaxweyne, , Sahle-Work  Zewde, maaddaama uu golaha Wasiirrada ee Dalkaasi yahay kala bar  Dumar, kaas oo ah Dalka koobaad  ee muhiimadda siiya Haweenka marka la eego  Qaaradda Afrika.

Horraantii 2018-kii, markii la la doortay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaa Dalka Itoobiya xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah loo dhiibay Haween , waxaana kala bar golaha wasiirrada laga dhigay Dumar, iyadoo sidoo kale ay Madaxweyne ka noqotay , Sahle-Work Zewde, taas oo keentay in lala dagaallamo musuqa, lana yareeyo tacaddiyada ka dhanka xuquuqul Insaanka.

Isha/ Africannews

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Magacaabay Xubnihii ka dhinnaa Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen)  ayaa ku dhawaaqay xubnihii ka dhinnaa Golaha Wasiirada maamulkaasi oo ka kooban 15 Wasiir, halka wasiir ku-xiggeenada la magacaabay ay gaarayaan 25 Wasiir ku-xiggeeno.

Halkaan hoose ka Akhri Liiska Magacyada Wasiirada iyo Wasiir ku xiggeenada uu magacaabay Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koofur Galbeed:-

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, mas’uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta iyo qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa ka war bixiyay meesha ay marayaan qorsha ay hay’adda lacagta aduunka ay kula soconayso hanaanka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka (SMP).

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya arrintaas oo horseedaysa in uu si caadi kusoo laabto xariirka ka dhexeeya hay’adaha lacagta ee heer  caalami.

R/wasaare Khayre oo Tababar U Xiray Ciidamo Loo Diyaariyay Qorsha Sugidda Amniga Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada.

Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle  ayaa maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo Sedex cisho ah iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS uu sharxaad guud ka bixiyay Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka waxuuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo fikirka xagjirka ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka hadlay ilaalinta Dowladnimada iyo xirririka wanaagsan ee Bulshada iyo Dowladda u dhaxeeya isagoo dhanka kale ka hadlay Isqaadashada umadda in ay muhiim tahay.

Waxaana ka qeyb-galay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Gobeelyada, Culimaa’udiinka, Saxaafadda Badaxa Banaan iyo Ururada Bulshada Rayidka iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Waana markii labaad oo la qabto shirka Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aano Ka soo baxay Shirka Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanno ka soo baxay Shirka Midowga Afrika kuwaasi oo lagu taageeray shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha ee dalka arrintaasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka dalkeena Soomaaliya, Maadaama ay tahay mid ku horgudban taageeradii hay’adaha Caalamiga ee Dhaqaalaha Adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku howlan tahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, si loogu guuleysto qorshaha deyn cafista ee Soomaaliya, si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika”,.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmaynayso in Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah siinayo dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo Wax-wada-qabsiga, iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen, ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee sanadka, kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan Ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga, iyo Arrimaha Beni’aadanimo, iyo Dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan-gelinta Qorshayaasha Horumarnineed ee Qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

 

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in dib u furo Wado Degmada Kaaraan Ku xirta Isbitaalka Keysanay oo ay Xireen Dhismayaal Sharci darro ah.

0

MUQDISHO (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

C/raxmaan Yarisow oo dul istaagay waddada hal-bowlaha u ah ee ku xirta Isbitaalka Keysanay degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay furista waddadan iyo dhismayaasha Sharcidarrada ah ee la qaaday wadada.

Howlgalka lagu burburiyay dhismayaasha Sharcidarada ah ayaa waxaa fullisay Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka ee Degmada Kaaraan oo raacayay amarkii Duqa Muqdisho ee kusaabsanaa furista wadadaasi oo ay xireen guryaha sida sharcidarrada ah looga dhexsay halkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in talaabadani la fulliyay iyadoo la hirgelinayo cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, kuwaasi oo ka cabanayay in gaadiidka bukaanada u qaada isbitaalka ee Gurmadka deg degga ah ay ku adag tahay inuu isticmaalo wadada halbowlaha u ah isbitaalka maadaama ay xireen guryo si sharcidarro ah looga dhisay wadada awgeed.

C/raxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Magaalada Muqdisho ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaallinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiimad gaar ah u leeyihiin nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale digniin culus u jeediyey dadka dokumentiyada u sameystay iyo kuwa ka dalaala guryaha lagu deggan yahay sida aan waafaqsanayn sharciga.