Munaasabad lagu xusayey Sanadguuradii 59aad ee aas-aaska Ciidanka Cirka oo Muqdisho lagu Qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Munaasabadaan oo lagu xusayey sanadguuradii 59aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Gudaha Xerada Ciidamada Cirka ee Afaziyooni.

Waxaa Munaasabadaasi ka qeyb galay Wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Federalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, qaar kamid ah Taliyeyaashii hore ee CXDS, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ka sheekeeyey Waxqabadka iyo Taariikhda Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Qorsheyaasha Horumarineed ee ay hiigsanayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Cirka, si loo soo celiyo Heybadii Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliyaย  Mudane Maxamed cali Xagaaย  ayaa sheegay in wasaaradda gaashandhigga dadaal xooggan ay ku bixin doonto dhismaha iyo tayenta ciidanka Cirka.

Wasiir dawlaha gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Ubax dhigay taalo loogu talo galay in lagu xasuusto shuhadadii ka shahiiday Ciidanka Cirka ย Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...