Maamulka Hirshabeelle oo yeelanaya Boliiskii ugu horreeyay

Date:

Jowhar-(SNTV)-198 Boolis ah ayaa tababar soconayay Saddex Bil loogu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeelle Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaasi, Cusmaan Barre Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wasiirka amniga iyo dhaqan celinta Hirshabeelle, C/qaadir Aaden Jeelle, ayaa bogaadiyay Askarta soo dhammaysatay tababarka, wuxuuna faray in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jeneraal; Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhammeystay, wuxuuna sheegay in ay ku soo biirayaan Ciidan leh Taariikh dheer, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan Boliis wanaag iyo qab leh, Ummaddiisana uga adeega si daacadnimo ah.

Tababarkan oo ay bixinayeen Saraakiisha Boliiska Amisom, ayaa waxaa maal-gelintiisa lahaa Midowga Yurub, waxanay dufcaddan qeyb ka tahay 800 Boliis ah oo uu dhowaan yeelan doono maamulka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...