Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee India iyo Nigeria

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.

Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Sheidu Omeiza Momoha yaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.

Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay...