Home Blog Page 1111

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo shir uga qeyb galaya dalka Masar

0

Muqdisho (SNTV): Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa ka socda oo maalintii labaad galay shirka heerka sare ee guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare,maxkamadaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika,waxaana sidoo kale shirkan lagu soo bandhigi doonaa sharaxaad ku saabsan waxyaabaha ku jira go’aanka maxkamadaha dastuuriga ah ee Afrika.

Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

“Waxaan magaalada Qaahira kaga qaybgalay shirka heerka sare ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika oo ay sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah Dawlada Masar martigalisay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo Guddoomiyaha ku soo qoray Bartiisa Facebooka.

Shirka oo furmay sabtidii,ayaa waxaa ka soo qeyb galay ra”iisal wasaaraha Masar Mostafa Madbouli, Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Masar Hanafi Ali al-Gebali,wasiirka Socdaalka Nabila Makram iyo wasiirka korontada Maxamed Shaker.

Dowladda Masar ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah martigelineysa shirkan,waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika,iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta berito ah.

Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

0

Columbus Ohio (SNTV):- Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir  Sheikh Ahmed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolka, waxaana mudadii kulanka uu socday ka warbixiyay xaaladda dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladdu soo martay mudada labada sano ahayd ee ay jirto

Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay horey u socoto, isla markaana shaqo ay dadku qabtaan ay ku socon karto, taas oo qof walba looga bahanyahay qeyb in uu ka qaato si ayuu yiri caalamka loola jaan qaado.

Mohamed saalix oo ka mid ah dadka soo abaabulay kulanka ayaa xusay in ay dowlada ku taageerayaan tilaabooyinka ay qaadneyso, isaga oo xusay in wax baddan oo ay dowladu qabatay ay taageersan yihiin kuna ammaanayaan.

Ka soo qeyb galayaasha kulankan soo dhaweynta ayaa wasiirka su’aalo badan ka weydiiyay xaaladda dalka, sida, Arrimaha Amaanka, Ciidamada, Siyaasada dibada,Arimaha Heshiisyada caalamigaa, xariirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowlada Kenya ee ay Soomaaliya xariirka ugu jartay ayaa muujiyay in Dowlada Soomaaliya aysan wax qalad ah ku lahayn talaabadaasi sidii ku haboonaydna ay uga jawaab celisay, iyada oo aysan dhici doonin ayuu yiri in gorgortan laga galo Kheyraadka iyo xaduudaha Soomaaliya.

Warbixin dheer kadib waxa uu qurba joogta ku dhiirogaliyay in ay dalka ku soo laabtaan, isla markaana wax baddan ka ogaadaan xaalada dalka.

Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan oo lagu soo gabagabeyay Caasimadda Jubba

0

Jubba-(Hornafrik)-Waxaa Magaalada Jubba ee caasimadda Koofurta Suudaan lagu soo gabagabeyay Shalay koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaasi.

Koobkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan, waxaana munaasabaddii gaba-gabada ka qayb galay Ganacsato, Madaxda Ururka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed iyo Dad weyne aad u fara badan oo u soo daawsha tagay ciyaarta.

Tartankan oo socoday Muddo Bil ah ayaa waxaa ka qeyb galay 10-Koox, iyadoo cayaartii kamadanbeysta ay isku soo hareen Kooxaha Trojan iyo Doolo Bay, waxana Ciyaarta oo waqtigii looga talagalay ku soo idlaatay 4 iyo 4, Gool ku laad ku badisay kooxda Doolo Baay.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan, Axmed Cabdi Maxamed iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii kale ee ka soo qeyb gashay ciyaarta ayaa hambalyo u diray kooxda Doolo Bay, iyagoona sido kale u Mahadnaqay dhamaan kooxihii kale ee qeyb galay tartanka.

Sido kale Tababarayasha labada koox oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dareenkooda ku aaddan ciyaarta.

Dhanka kale Mulkiilaha kooxda Dolo bay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay farxad gooni u tahay in Kooxda Doolo Bay ay ku guuleysata horyaalka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan.

Uguga danbeyn waxaa goobta lagu gudoonsiiyay koobkii Jaaliyadda Soomaaliyeed kabtanka Kooxda Doolo Bay, sidoo kale waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Tartanka Cabdinuur Aadan Yaroow, iyo Tababrihii ugu wanaagsanaa Tartanka oo uu noqday tababare, Cabdikariim Cusman.

Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay hadalkii ka soo baxay Kenya

0

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya waxay caddeyneysaa:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.

3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks)  ah oo la xaraashay.

4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada  dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.

5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.

6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.

7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi ku saabsan Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad la yeelatay Maamulka Jubbaland

0

Kismaayo (SNTV):- Wasaaradda Qosheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ku saabsan wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Hay”daha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Hay”adaha dowladd gobaleedka Jubbaland ayaa Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya kala yeelatay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagalaad,waxaana goob joog ka ahaa kulanka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa u sharaxay Madaxda laanta fulinta Jubbaland tiirarka uu ka kooban yahay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalad iyo shaqada culus ee dalka u yaalo.

“waxaan uu ka kooban yahay ilaa shan tiir sida Amniga, Arrimaha Bulshada, Siyaasada loo dhan yaha,Dhaqaalaha iyo Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga ah.waxaan rabnaa in aan isla fiirino sidii aan wax soo saarka dalka loo kobcin lahaa, ka jubbaland ahaan wax ahmiyada idiin leh mashaariicda aad doonaysaan waa muhiim in  lagu daro Qorshaha horumairnta Qaranka waan idinka mahadceliyaa sida wanaagsan aad uga qeyb qaadanaysaan shaqada,” ayuu yari  Cabdulqaadir Maxamed Aadan”

Dhinaca kale, galinkii dambe ee maanta ayaa Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya waxay kulan ku aadan wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaaalaad la yeelatay Golaga Wakiilada Baarlmaanka Jubbaland.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa baarlmaanka u sheegay in maalmahan uu ka socday jubbaland wadatashiga isla markaana maanta Baarlamaanka Jubbaland looga fadhiyo in la dhageysto aragtiyadooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Golaha Wakiilada Jubbaland u shaxay tiirarka kuu ka ooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyada dalka u leeyahay.

Gudoomiyah Baarlamaanka Dowladda Gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland Shiekh Cabdiraxmaan  ayaa tilmaayay in wadatashigan muhiimad u leeyahay ka baarlamaan ahaan.

“Qorshahan waa muhiim, dalna ma shaqeyn karo qorsha la,aan ma garan kartid baahiyahaada wax soo saarka halka uu gaarayo waa noo muhiim maamul ahaan, Sida xoghyaha sheegay waa muhiim in xildhibaanada ay ka turjumaan baahiyaha dadka ay matalaan, marka isnha allaah xildhibaanada mar labaaad aan kula dar daarmayaa gobalkan aad matashaa ee ka kooban sadaxda gobal idinka ayaa baahidiina la soo bandhigay, waa taqaaniin beero kaluuleysi iyo biyo. Marka inta dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa, hadii uu noo hagaago qorshaheena dalkeena ayaa noo hagaagayo ayuu yari Guddoomiyaha Baarlmaanka Jubbaland”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo La Kulmay Wasiirka Beeraha Sucuudiga

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley.

Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga.

Ra’iisul Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Tababar loo soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

0

Muqdisho(SNTV) Munaasabadda xiritaanka tababarakan oo lagu baranayaya hab qoraalada codsiyadda Mashaariic oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Gaar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa ka qeyb galay, wasiirka wasiir ku-xigeenka agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarkan oo socday mudo todobaad ah ayaa shaqaalaha waxaa ay kaga faa’ideysteen qibrado ku aadan habka qoraalada codsiyada mashaariicda,iyadoo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay geba gebada xiritaanka tababarkani.

Waxaana ugu horeyn tababarkaasi ka Danjire Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo bixinayaya tababarkaasi iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale,waxaana ay sheegeen in uu ahaa tababar ahmiyad gaar ah leh,iyagoona shaqaalaha kula dardaarmay in ay maskaxdoodi furan oo aqoontoodi kor u qaadaan,si ay bulshada ugu adeegaan si hufan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka C/rashiid Maxamuud Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Xamsa Siciid Xamsa ayaa ku booriyay shaqaalaha in tababarkii ay qaateen ay ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna Wasiir Xamsa uu sheegay in arrintani looga maarmi karo in dad ajaaniib ah loo yeerto si ay tababar u bixiyaan,taasi bedelkeedina ay tahay wadada kaliya looga gudbi karo,wuxuuna intaasi ku daray in xitaa la gaarsiin doono deegaanada kale ee dowlad goboleedyada.

Tababarkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka,iyadoo uu u sahlayo gudashada waajibaadkii loo igmaday iyo ka jawaabista arrimaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dalka ka dhaca.

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray xarumo loogu talagalay iney ku shaqeeyaan Wasaaradaha

0

Kismaayo (SNTV):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray Dhismayaasha loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Wasaaradaha Maamulka Goboleedka Jubbaland.

Dhimayaashan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa waxaa ku shaqayn doona Wasaaradaha wax soo saarka leh kuwaas oo kal hore ku shaqaynayay Xarumo kale, balse hada kadib halkan ka bilaabi doona Adeegyadii ay Bulshada u hayeen.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay wakhtigii dhismaha Xarumahan ay socdeen isagoo u tacsiyeeya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u Naxariiste Nuur Cali magan oo ahaa Agaasimahii shirkada dhismaha Xarumahan fulisay kaas oo dhawaan geeriyooday waxaa kale oo Madaxweynahu uu tacsi u diray qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’ada SSF oo ku geeriyooday Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhismaha Xarumahan oo lacag badan ay ku baxday ayna suuro gal noqoteen hadii Hanaanka Dowladnimo iyo nabadgalyada Jubbaland aanay ahayn mid la hubo oo dhammaystiran, wuxuuna ammaanay Ciidamada Amniga qaybahooda kala duwan, isagoo sheegay in Dhammaan Maalgashiga iyo hanaanka deeqbixinta ay Jubbaland diyaar u tahay loona baahan yahay in lagu soo hirto.

Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u furay shirka heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin matalayey Beesha caalamka oo ay kamid yihiin Safiiro iyo Wakiilo kale.

Shirka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa Taageeridda Wacyi-gelinta Qaranka oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ciidanka PSF ee Puntland oo Howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey Buuraha Cal Madow

0

Boosaaso (SNTV) Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab  ka fuliyey deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda  Warbad iyo Gebidheer, isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in weeraradaasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha  Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.