Shaqsiyaadka u adeegsado baraha bulshada galalka dacwadeed ee horyaallo Maxkamadaha oo wajahayo Cadaaladda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Iyadoo dhawaanahaaan ay Ku soo bateen baraha bulshada shaqsiyaad  baadi doonayo magac iyo xoogaa yar oo lacag ah ayaa  waxyaabaha ay diiradda saaraan ee gariibka ah waxaa  kamid ah galalka dacwadeed ee horyaallo maxkamahada  dalka gaaar ahaan kuwa rayidka.

Waxyaabaha ay Ku kacayaan shaqsiyaadkaas ayaa  marin habaabin kara ra’yiga dadweynaha sida kalsoonida ay ku qabaan garsoorka, bahdilka masuuliyiinta garsoorka  iyo u turjumid habowsan oo  dadka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya  ay dhaxalsiiso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa digniin u diray kuwa ku Howlan arrimahaasi, waxa ayna wejihi doonaan cadaaladda iyadoo la marinayo maxkamadda awoodda u leh.

“Maanta laga bilaabo Ciddii ka dacwooto baraha bulshada ee kiis ka socda maxkamadaha kaga faalooto, waxa ay wajihi doonaan cadaaladda iyadoo la marinayo Maxkamadda awoodda u leh, marka laga gaaro go’aan kiiskiisa, waxna laga weydiin doono danta ay ka lahaayeen”

Dhanka kale Bahda garsoorka ayaa shahaado shaqo wanaag ah guddoonsiiyay taliyaha Qeybta bartamaha gobalka Banaadir iyo taliyaha degmada Cabdicaziiz ee gobalka Banaadir kadib markii ay si gaar ah isaga xilsaareen  sugidda amniga shirsanadeedkii garsoorka ee ka dhacay muqdisho 6-7-dii bishan aynu Ku jirno.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....