Taliyaha Ciidanka Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka,Baraawe,Buulamareer,Qoryooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalo Gobolka Shabeellaha hoose.

“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u gaaraan.

Gen. Elwelu ayaa sidoo kale ku booriyay inay foogjignaadaan iyo iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixsada Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...