Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Sweden kula kulmay Stockholm

Date:

Stockholm (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, isagoo la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo.

Sidoo kale labada masuul ayaa adkeeyey sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...