Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii London lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-War ay soo saartay shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ee lo yaqaano Spectrum ayaa lagu sheegay in shirkii London ka dhacay aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya,xili dowladda Kenya ay ku doodayso in meel lagu muransantahay xirmooyin shidaal xaraash lagu sameeyey.

Madaxda sare ee Shirkadaasi Spectrum ayaa sheegay in dhul badeedka sahminta shidaal lagu sameeyay ee xogtiisa lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay leedahay Soomaaliya.

Sidoo kale Spectrum  warsaxaafadeedkeeda waxaa ay ku cadeysay in aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadeeda ay taallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Shirkadda Spectrum Qoraalkan ay soo saartay waxaa lagu soo bandhigay qariiradda muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay...