Akhriso: War Murtiyeedka Wadajirka ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Burundi

Date:

Bujumbura (SNTV):-Halka Hoose ka Akhriso War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Burundi

1- Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal.

2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi.

3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada.

4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta.

6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM.

7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale